Markii Uu Toosay Ayuu Arkay Mas Weyn Oo Sariirta Fuushan

0
376

Shaki kuma jiro in dareenkii ugu xumaa ee abid ku soo maraa uu ka asiibayo marka aad hurdada ka toosto adigoo maqlay shanqadh, taasi oo marka aad shido laydhka aad indhaha ku dhufto Mas weyn oo qolka ku jira sariirtana soo koray.
 
Arintan ayaa ku dhacday nin u dhashay dalka Ustareliay maalmo ka hor . Warkan oo ay faafisay shirkadda ugaasta Masasak ee dalkaasi, taasi oo ay cadaysay inay ninkaasi ugu tegeen gurigiisa oo ku yaal magaalada Brisbane ka dib markii u xidhiidh la soo sameeyay iyagoo sheegay inay Maskaasi  ka soo qabteen gurigaasi.
Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi ayaa sheegay in deeganka uu ninkan degan yahay caan ku yahay Masaska suntan leh, laakiin aanay caado u lahayn inay guryaha iyo saqafka galaan , taasi oo uu kaga duwanaa Maskan weyn ee laga soo saaray guriga.

Leave a Reply