Muuse Biixi Oo Sheegay In Guddoomiye Cirro Saxay Khaladaadkii Xeerkii Diiwaan-gelinta

0
366

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu saxay khaladaad ku jiray qabyo-qoraalka xeerka diiwaangelina muwaaddiniinta iyo codbixiyeyaasha, arrintaasoo uu ku tilmaamay guul Somaliland u soo hoyatay.
Md. Biixi oo hadal ka jeediyey shir-jaraa’id oo hoggaanka xisbigiisu qabteen Isniintii , waxa uu xusay in khilaafkii Golaha Wakiilladu hadda u muuqdo mid meesha ka baxay, maadaama guddoomiye Cirro saxay khaladaad ku jiro xeerka uu hore ugu gudbiyey shirguddoonka Guurtida.
“Waxa Ilaahay mahaddii ah kol haddii maanta uu soo ururay khilaafkaasi oo Guddoomiyaha wakiillada, ahna guddoomiyaha WADDANI uu saxay khaladkii ka soo baxay xafiiskiisa. Waxaannu ognahay in Guddoomiyuhu  saxay qodobaddii la isku haystay ee la lahaa khalad ayaa  ku jira ee rag baarlamaanka ka mid ah ka dhega adaygeen, weliba ku dareen gardarro iyo aflagaado badan, waanan soo dhaweynaynaa tallaabadaas guddoomiye Cirro qaaday. Waxaannu u aragnaa tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, waanan ku hambalyeynayaa Guddoomiyaha WADDANI inuu garto qaladkiisa, isla markaana saxo, taasina waa inta aynnu dheernahay ummadaha kale, waana inta Somaliland ku caano maashay muddada badan,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku dhaliilay Golaha Wakiillada inay waqtiga ku lumiyaan waxyaabo iyo doodo aan faa’iido u lahayn qaranka, waxaannu yidhi “Haddaad aragto baarlamaan (gole wakiillo) waa meel ra’yigu is-jiidhayo oo mar walba buuq iyo qaylo ka taagan tahay, haddaanu doodayn oo maalin walba danta qaranka laga wada hadlayn baarlamaankaasi wuu dhintay. Baarlamaanku wuu naga madaxbannaan yahay oo gole qaran, xisbiyada oo dhan ayaa doortay, halkaas ayuu isugu yimi, waana la dhaariyay, waxayna u dhaarsan yihiin danta qaranka.”
Guddoomiyee-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isna sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigoodu diyaar u yihiin in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtiga loogu talogalay ee sannadka 2015.
“Madaxweynaha Somaliland sannadkii hore ayuu diyaariyey wixii xukuumad ahaan kaga xidhan qabsoomidda doorashooyinka, wuxuuna qoray waraaq ah dammaanad-qaad in doorashooyinku ku qabsoomayaan xilligooda, waraaqddaas oo uu u kala diray xisbiyada, Komishanka Doorashooyinka iyo beesha caalamka, markaa doorasho waa naga diyaar,” ayuu yidhi Md. Kaahin.
 
 

Leave a Reply