Rasuulka Allah (Scw) Iyo Dardaarankiisa

0
596

Saxaabiga Abuu Dar Al-Qafari (Rc) ayaa yidhi Rasuulka Allah (scw) oo ahaa saaxiib aan jeclaa wuxu ugula dardaarmay todoba arimood oo kala ah:
1) Wuxuu i amray inaan jeclaado masaakiinta iyo inaan ka mid noqdo.
2) Wuxuu i amray inaan eego qofka iga hooseeya, oo aanan eegin qofka iga sareeya
3) Wuxuu i fary inaan qofna wax weydiisan
4) Wuxuu i faray inaan xidhiiidhiyo qaraabada
5) Wuxuu i faray inaan ku hadlo xaqa, qadhaadhba hana noqdee.
6) Wuxuu i amray inaan Allah dartii uga baqan mid wax canaanaya, canaantiisa
7) Wuxuu i faray inaan badiyo qowlka: laa xawla wa laa quwata Illaa Billaahi
 
Abudar (Rc), Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray, iyaga ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna ma weydiisan hanti. Amiirka gobolka Shaam ayaa mar u soo diray lacag gaadhaysa 300 diinaar, isagoo ku yidhi “lacagtan danahaaga ku qabso”. Jawaabtii Abuu Dar  (Rc) waxay ahayd inuu lacagtii ku celiyay amiirkii, isagoo yidhi :” Amiirka shaam ma wuxuu waayay qof aniga iga tabar daran?    Abuu Dar Al-Qafaari  (Rc) wuxuu sannadkii 32-aad ee hijriga ku dhintay tuullada Al-Rabada oo cidla ahayd, wuxu ahaa keligii, sidii uu hore ugu yidhi Rasuulka (scw) “Allaha u naxariisto Abuu Dar, wuxuu socon doonaa isagoo keligiis ah, wuxuu dhiman doonaa keligiis, waxaana la soo saaro doonaa keligiis Qiyaamaha.

Leave a Reply