Saambiya: Booliiska Oo Lagu Amray Inay Dhoola Cadeeyaan

0
397

Taliska Booliiska Saambiya ayaa ku soo rogay magaalooyinka  dalkaasi  oo dhan Booliiska ka hawlgala amar adag oo ay tahay in la fuliyo , kaasi oo taliska Booliisku cadeeyay in baahi weyn loo qabo fulintiisa.
Amarkan ayaa dhamaan ciidamada Booliiska lagu faray inay bedelaan hab dhaqanka kakan ee ay dadka kula dhaqamaan  kuna bedelaan ilko cadayn iyo soo jiidasho.  Baranaamijkan ayay xukuumaddu ku fulisay tababar gaar ah oo la siiyay ciidamada Booliiska si loo baro habka soo jiidashada bulshada.  Nidaamkan  ayaa la sheegay in loola jeedo inay Saambiya soo jiidato dalaxiisayaal badan oo booqda Harada Vectoria iyo goobaha kale ee dalxiiska.
Wasiirka arimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay in dhoola cadayntu ay tahay mid wax kasta u bedeli karta wanaag. Xukuumadda ayay soo gaadhay cabashooyin badan oo uga yimi dalaxiisayaasha kuwaasi oo aad uga cabanaya dhaqanka Booliiska  oo noqday mid adag oo xidhxidhan.                          (Reuters).
 

Leave a Reply