Toban Milyan oo Qof oo aan Waddan lahayn

0
383

Hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR waxa ay bilaabaysaa olole cusub oo mudo toban sano ah soconaya oo ay ugu tala gashay in wax lagaga qabto dadka aan dalalka lahayn ee aan baasaboorada ama dhalashooyinka haysanin.
War saxaafadeed ay soo saartay hay’addu waxaa lagu sheegay in ay maanta dunida ku noolyihiin dad ka badan 10 Million oo qof oo aan haysanin hanaan caafimaad, mid waxbarasho iyo xuquuq siyaasadeed.
Waxaa kamid ah dadkaasi, dadka ku dhashay xeryaha qaxootiga.
Madaxa sare ee hay’adda Antonio Guterres, waxa uu ku dooday in dawladduhu ay siiyaan dhalashooyin caruurta ku dhalatay wadamadooda ee aan lahayn dalal kale oo xukuumado ka jiraan.
Waxa uu intaas ku daray in wadamo badan ay noqonayaan kuwo ay hoos u sii dhacayso arrimaha takoorka.
 

Leave a Reply