Cirro Oo Ka Hadlay Kulamo uu La Yeeshay Wefti Ka Socday Qaadhaan-bixiyeyaasha

0
419

Hargeysa, (Dawan)- Guddoomiyaha golaha  wakiiladda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka war-bixiyay kulamo uu Xisbigoodu la yeeshay wefti ka socday waddamadda Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka oo todobaadkan safar ku joogay dalka, waxaanu sheegay inay ka wada-hadleen qodobo la xidhiidha qaddiyadda Somalilad iyo doorashooyinka la filayo inay qabsoomaan sannadka dambe.

Cabdiraxmaan Cirro oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa waxa kale oo uu sheegay in weftigaas ay kala hadleen kaalmadda horumarineed ee ay siiyaan Somaliland, waxaanu xusay in dalalka Holland iyo Norway ay ku soo biireen sanduuqa horumarinta Somaliland, kuwaasoo aan hore ugu jirin, waxaanu yidhi, isagoo arrimahaas ka hadlaya. “Isniintii iyo salaasaddii todobaadkan waxa dalka yimi wefti balaadhan oo ka socda beesha caalamka, gaar ahaan qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinacyadda doorashooyinka, dimuquraadiyadda iyo horumarka, waxaanu kala hadlanay doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, iyo guud ahaan-ba arrimaha Somaliland khuseeya.”

Guddoomiyaha golaha wakiiladdu waxa uu sheegay in sanduuqa horumarinta Somaliland kaalmadda loogu shubo ay ku soo biireen waddamo kale,  “Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) ayaa waxa kusoo biiray dawladdo aan hore ugu jirin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Holland, Germany iyo Norway. Sanduuqii waa la balaadhiyay, markaa guud ahaan qaddiyaddaha kaalmadda Somaliland iyo arrimaha dimuquraadiyadda doorashooyinka ayaanu kala hadalnay.”  ayuu yidhi guddoomiyuhu.

By: Siciid M.Askar

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply