“Kuwa Ka Buuqaya Golaha Wakiiladdu Aflagaado Madaxtinimo Ku Heli Maayaan”

0
411

HARGEYSA (DAWAN)- Wasiir Ku xigeenka  Wasaaradda  Gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud, ayaa xisbiyadda mucaaridka ah ku eedeeyay inaanay lahayn wax Barnaamij siyaasadeed ah, hase yeeshee ay ku mashquuleen aflagaadeynta xukuumadda.
Wasiir Ku xigeenka Gaashaandhigu waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray, waxa kale oo uu  naqdiyay Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Wakiiladda  oo u dhignaa sidan:- “Waxaan leeyahay af af loo waayey baa ba’ay waxaan warbaahinta kala socday Mudanayaal aflagaadaynaya Madaxweynaha qaranka, kuwaasi oo uu ka mid yahay Cali Aareeye iyo xildhibaanno kale oo iyaguna aflagaado u marinayay  maxweynaha qaranka iyo guud ahaan  xukuumadda uu hogaamiyo Maxweyne Axmed Siilaanyo.
Hadaba,  waxaan u sheegayaa xubnahaasi inay  yihiin Okholayaal aan micno ku fadhiyin isla markaana aan hawaysan karin madaxweynaha’e,Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa waslad dheeman ah oo           ILAAHAY  u keenay somaliland isla markaana uu yahay muwaadin waxtarkiisa la mahadiyay,  waxaa markhaati ka ah in xildhbaanka aflagaadada u badan soo jeediyey uu indha u soo jeexay isla markaana uu dhawr jeer uu u raacay weftiyo dibada tagay, bal Haddaba  Cali Aareeyoow waxaad  tahay okhole aan abaal lahayn adiga iyo inta kale ee kuu jiibinaysa ee Golaha kula fadhida ee had iyo jeer aflagaadada Miciinsaday.
 
Waxaan guud ahaan u sheegayaa mucaaradka Somaliland in ay ku xisaabtamaan in Madaxweyne Siilaanyo  ay tartami doonaan sanadkan soo socda haddii ALLE  idmo. Sidaaasi darteed,  waxa ummaddu uga fadhida mucaaridka  inay soo ban-dhigaan waxa ay iyagu ku fanayaan.
 
Geesta kalena, waxaan jecelahay inaan iftiimiyo  wax-qabadka xukuumadda Somaliland, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo iyo dawladiisu  qabatay waxyaabo badan oo ka mid ah buugii barnaamijkii xisbiga KULMIYE ummadda u balan-qaaday xiligii uu mucaaridka ahaa.
 
Xukuumadda Somaliland qabatay waxa ka mid ah lacagtii giimbaarta ahayd ee laga bedalay goboladda Togdheer iyo Sanaag, waxa iyana aan hoosta ka xariiqayaa dayntii xad dhaafka ahayd ee xukuumaddu ay dhaxashay oo ay bixisay, mushahar kordhintii shaqaalaha iyo ciidammadda oo uu laba jeer afartii sannadood ee la soo dhaafay kordhiyay.
 
Madaxweynuhu waxa uu maamulkii ku fidiyay goboladda dalka oo dhan oo ay ku jiraan deegaamadii ay maamul goboleedka Puntland ku faani jireen. Guulaha waaweyn ee Madaxweyne Siilaanyo taariikhda u galaya waxa ka mid ah hirgelinta derajooyinka ciidammadda noocyadooda kala duwan lagu taxay oo macne weyn u yeelay haybadii dawladnimo.
 
Waxa dawladdu ay keentay idaacadii weynayd iyo idaacadaha quraanka kariimka iyo baahinta FM-ta oo la gaadhsiiyay goboladda dalka. Dawladda afartaa sanadood ku qabatay wax-qabadka baaxadaas leh, ma ay ahayn in loogu abaal-gudo cay iyo aflagaado. Waxaan leeyahay waa in xukuumadda samaha iyo waxqabadka lagu bogaadiyaa, waliba lagu abaal mariyaa in mar labaad la isla barbar taagaa kalsoonida bulshadda marka codbixinta doorashadda la gaadho.
Gabo-badii Waxaan ugu baaqayaa  okholeyaasha Golaha Wakiiladda inay  ka waantoobaan cayda iyo aflagaadada, xisbiyadda mucaaridka ah ee ay  u doodayaanna waxa xujo ku ah oo shacabka Somaliland ka sugayaan inay ummadda u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed. Waxaan sheegayaa inay garwaaqsan doonaan inaanay hawaysan Karin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee haysata rikoodhka horumarinta dalka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply