“Wakhtigan Looma Baahna In Shir Beeshu Yeelato La Qabto, Waxaanu Taageersan Nahay Xukuumadda”

0
508

Hargeysa (DAWAN)- Waxgaradka Beesha Subeer-celi oo ka mid ah ardaayada beelaha Arab, ayaa shaaca ka qaaday inaanay xiligan la joogo loo baahnaynin in shir beeshu leedahay la qabto.
Bayaan ay soo saareen xalay 59 xubnood oo iskugu jira waxgarad, aqoon-yahanno iyo dhalinyarrada beesha Subeer-celi ayaa lagu shaaciyay inay beel ahaan si buuxda u taageersan yihiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku ammaaneen wax-qabadka ay ka fulisay dalka.
Bayaankaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-
“Annaga oo ka mid ah Odayaasha, Wax-garadka, Culimada iyo Dhalinyarada beesha Subeer Celi, Waxa aanu u soo jeedinaynaa beesha subeer celi in wakhtigan la joogo aan loo baahnayn shir la qabto, sababtoo ah wakhti aan fogayn  waxaa qabsoomay shirweynihii Beelaha ARAB.
Shir doceedka ka dambeeya waxaa loo arki karaa mid khilaafeed. Sidoo kale marka shir laqabanaayo waxaa loo baahan yahay in laga wada tashado, sidaa awgeedna waxaan ku talinaynaa in shirkaasi dib loo dhigo.
Waxa kale oo beeshu ay taageerro buuxda u soo jeedinaysaa, isla markaana ay bogaadinayaan, Xukuumada Somaliland ee uu madaxda ka yahay mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Waxaanan ku taageeraynaa wax qabadka balaadhan ee dalka ka qabatay.Wabilaahi Tawfiiq.”
 
Magacyada odayaasha iyo wax-garadka baaqan soo saaray

  1. Axmed Nuur aw Cabdi shaacir
  2. Xaaji Axmed yuusuf Axmed
  3. Maxamed Siciid kooshin
  4. Mooge Muxumed C/laahi
  5. Khaddar Axmed ismaaciil
  6. Cismaan Faarax Yoonis
  7. Mustafe Maxamed Cabdi
  8. C/laahi Axmed Ibraahin
  9. Cabdi xasan Xuseen
  10. Ibraahin Cumar Qawdoon
  11. Maxamed Cabdi Xaashi
  12. Axmed aw cabdi
  13. Xasan ismaaciil
  14. Muuse cabdi bare
  15. c/qaadir xasan
  16. cali cabdi cali
  17. cali Axmed wayrax
  18. mataan Axmed wayrax
  19. maxamed deeq
  20. xayd shawarlaya
  21. istaahil fagadhe
  22. farxaan xasan shide
  23. Muxumed Xuseen Xasan
  24. Cabdi Carab Xuseen
  25. Nuur Ibraahin Xuseen
  26. Axmed Cabdi Xaashi
  27. Xasan Cabdi Xaashi
  28. Maxamed ibraahin shabeel
  29. Abshir Cabdi Maxamuud
  30. Maxamed Axmed Qawdoon
  31. Cabdi Maxamed Aamiin
  32. Koosaar maxamed Xirsi
  33. Yaasiin Xasan Xuseen
  34. Aadan Cabdi Cilmi
  35. Muxumed Haybe Xasan
  36. Cabdi kare maxamed
  37. Cabdi Cali Caydiid
  38. Ismaaciil salaam yuusuf
  39. Guuleed Maxamed Cabdi
  40. Xasan Xuseen Good
  41. Axmed Dool Muxumed
  42. Cumar Cabdi Axmed
  43. Farxaan Cabdi Maxamuud
  44. Muxumed Caydiid Cabdi
  45. Khaddar Xuseen Xasan
  46. Aw  Cali aw Xuseen Good
  47. Xaan muxumed maxamed
  48. Cabdi Maxamed Cabdi Xaashi
  49. Axmed Xasan Cabdi
  50. Qaasim Koosaar Maxamed
  51. Khaddar Cumar Cabdi
  52. Maxamed Xuseen Maxamed
  53. Aadan Xasan Maxamed
  54. Fu’aad Cabdi Maxamuud
  55. C/laahi Jaamac Iidaan
  56. C/casiis Maxamuud Xuseen
  57. Axmed marshaale
  58. Axmed dhoobaale
  59. Maxamuud Xaashi

Leave a Reply