Xukuumadda Oo ka Hadashay Xal u Helida Khilaafka Ka Taagan maxjarka Berbera

0
402

Berbera(Dawan): Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay shaqaaqo todobaadkan ka dhacday magaaladda Berbera oo u dhaxaysay dad ganacsato ah, taasi oo la xidhiidhay Maxjar cusub oo laga hirgeliyay Berbera.
Wasiirka  Arrimaha Gudaha  Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay  xubnihii  ka danbeeyay  iska horimaad  niman ganacsato ah ku dhex maray  Maxjar  cusub  oo  laga dhisayay  magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Cali Waran Cade,   oo shalay warbaahinta  la hadlay  isagoo ku sugan magaaladda Berbera ayaa   sheegay in hawshaasi ay hada gebagebo ku dhawdahay, isla markaana ay la kulmeen labadda dhinac ee ay shaqaaqadu dhex martay. Isagoo xusay in ay qabteen shaqsiyaad maxaabiis ah oo loo tuhunsan yahay in ay yihiin kuwii rebshadda abuuray.
Waxaanu  tilmaamay in waxyaabaha kale ee aanay weli gacanta ku dhigan sida hub iyo baabaauur ay filayaan in ay soo qabtaan. Wasiir Waran Cade ayaa  u mahadnaqay maamulka gobolka Saaxil,  golaha deegaanka Berbera iyo cuqaasha gobolkaasi  oo uu tilmaamay in ay kala qayb qaateen daminta shaqaaqadaasi.
isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Meel fiican ayay maraysaa hawshaasi,  waxaanay ku dhawdahay dhamaad,   nabadgelyadda xalkeedii gacanta ayaan ku haynaa, waanan  la kulanay qolooyinkii shaqaaqadu dhex martay,  maxaabiis ilaa tobaneeyo ahna waanu qabanay, oo ah kuwii  rabshadaha sameeyay oo labada dhinacba ah.  wixii kale  ee aan  la  haynina  gacanta ayaa lagu soo dhigayaa  ee ah hub iyo baabuur.”
Waxa kale oo uu Wasiirku   u mahad naqay  maamulka gobolka Saaxil iyo golaha deegaanka Berbera oo uu sheegay inay kala qayb qaateen daminta iska horimaadkaas dhex maray dadka shacabka ah. waxana uu yidhi “Waxaan runtii aad iyo aad ugu mahadnaqayaa maamulka gobolka Saaxil ee degmada iyo golaha deegaanka magaalada Berbera oo si hagar la’aana noola shaqeeyay oon aad ugu mahad celinayo. Waxa kale oo iyagna gacan ka gaystay hawshii aanu wadnay odayaasha gobolka, si nabad loogu soo dabaalo meesha oo wixii hadhayna oo qolo waliba waxa ay ku dacwoonayso, gobolka waanu ka dulqaadi doonaa waxaan aanu iskugu yeedhaynaa Hargeysa, halkaas oo aanu jecelnahay in aanu  ku soo dhamaystirno wixii ay isku  hayeen ee xurguf ahaa si cadaaladana aanu u qaadno, cidii gardarana gardaradeeda  la saaro, cidii gar lehna garteeda la siiyo” ayuu yidhi Cali Waran Cade.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply