Xukuumadda Oo Laashay Sharciyadda Warbaahinta Aan Shaqaynin Labadii Sannadood Ee u Dambeeyay

0
435

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka Iyo wacyigelinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in xukuumadu saxaafada kala duwan ee dalka ka hawlgasha ku dhaqi doonto  xeerka saxaafada ee dhaqan-galka ah xeer lambar 27/2004, waxa kale  oo uu daboolka ka qaaday  in la laalay ruqsadaha hay’adaha warbaahineed ee labadii sannadood ee la soo dhaafay aan shaqaynin.
 
Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo shalay  xafiiskiisa kala hadlayay warbaahinta, waxa kale oo uu tilmaamay in dhawaan ay samayndoonaan gudida anshaxa saxaafada oo madaxbanaan kuwaas oo qiimayn iyo dabo gal ku samayn doona barnaamijyada iyo wararka ay tabiyaan warbaahinta Somaliland ka hawl-gashaa.
 
Wasiirku waxa uu ugu horayn warbaahinta uga digay inay faafiyaan qabyaaladda iyo saamaynteeda taban, waxaanu xusay in ay hadda ka dib saxaafadda dalka ku dhaqi doonaan xeerka saxaafadda ee Xeer Lambar 27, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa la yidhaahdaa qabyaaladii ayaa badatay, qabyaaladu may badane’ waxa batay suxufiga qabyaalada faafiya, ee xambaara dhaqanka xun ee ummadda isku dhibsato ayaa batay, mushkilada ummadda qayb ayaan ka noqonay, haddii aynu  nahay saxaafadda, waxaanu dhiraadhirinaynay in Golaha Wakiiladu soo saaro xeerkii saxaafada oo dib u habayn  uu  ku sameeyo, xeerkii hore oo  ay ku adkaatay maxkamadaha dhaqangalintiisii meeshan dal ayayn joognaa ummada ayaana  lagu dhaqayaa,  xeerba ma ogolin in la yidhaahdo meel ay dunida ka jirtaana ma jirto, oo aan dabar jirin oo aan diini ku xidhin oo aan xeer ku xidhin oo aan dhaqan ku xidhin,  sida waxa  laga helaa duurjoogta, waxaan idin leeyahay waa in xeer jiraa, maantana  hal xeer ayaan haynaa oo saxaafada khuseeya, waana xeer 27 oo in badan ay ku qeylinayeen ururada saxaafada in xeerkaa loo daayo. Xeerkaa 27  oo madaxweyne Rayaale saxeexay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo saxeexay ee Goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtidu ansixiyeen, xeerkaas ayaa laga bilaabo maanta ku dhaqaynaa saxaafada, xeerkaas waxa uu idin tilmaamayo akhriya ee uu idin farayo, xeerkaasi waxa uu tilmaamayaa akhlaaqda suxufiga wanaagsan.”
 
 
Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay inay samayn doonaan Guddida anshax marinta saxaafadda oo noqon doonta Guddi Madax-banaan, waxaanu yidhi  “Gudida anshaxa anshax-marinta saxaafadda  oo ka madaxbanaan cid walba ayaa  la samaynayaa, Guddidaasi ayaa saxaafadda qiimaynaysa, iyagaana u dhaxayn doona ummadda iyo Saxaafadda. waxaanay ka koobnaan doonaan suxufiyiintii  waaweynaa ee aqoonta u leh saxaafada, gudidaas ayaa qiimayn doonta oo TV-yadda daawan  doonta, Wargeysyada akhriyi  doonta oo websadyada daalacan doonta.”
Wasiirku waxa kale oo uuintaas ku daray  in ay bilaabi doonaan toddobaadka soo socda diiwaangelinta warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha dalka, waxaanu  uu yidhi “Waxaan halkan ku haynaa liisaska ka diiwaangashan  xeer ilaalinta iyo  wasaaradda warfaafinta oo ah hay’ado warbaahineed waa joornaalo iyo TV-yo  inta soo baxdana waa yar tahay. Joornaalada dhawr iyo konton  ayay gaadhayaan, 14 wargeys ayaa ka soo baxa dalka, waxaana liisamada bilaabaynaa toddobaadka soo socda, waxa  la imanayaa xafiiska agaasimaha  guud  oo la iska diiwaan-gelinayaa, haddii sida TV-yadda, jaraa’idka, websiteyadda iyo madbacadaha, waxaanu kuu samaynaynaa  kaadhkii ay hay’adaa warbaahineed kaga qayb-gali lahayd goobaha loo baahan yahay, waxaanu kuu samaynaynaa liisankii oo cashuurta  ku bixin doontaan sanadkii hal mar wixii xaq dalku kuugu yeeshay ee cashuur ah.”
 
Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay inay laaleen sharciyadda  warbaahinta aan shaqayn  muddo  labadii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanu yidhi “Waxaanu laalnay dhammaan jaraa’idka iyo TV-yadda  jeebada lagu haysto, wax ka badan labo sano ee aan wali shaqayn ee maalinta la doono la furanayo  ee cashuur aan bixin liisana aan haysan, jeebadda lagu haystay ee ahayd warqada diiwaangelinta ee xeer ilaalinta ma jirayso ayaan leeyahay, waxaana weeye liisanka waxa bixiya wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta.”
 
Wasiir Cukuse oo  waxa laga waydiiyay in xukuumaddu xayiraadii ka qaadayso Telefishanka Universal  iyo in kale waxa uu yidhi “Telefishanka Universal waxa uu dalka ka galay dambiyo fara badan waxaanay noqotay in aanu ka joojino inuu  dalka gudihiisa ka shaqeeyo, intaa dabadeed TV-gaasi  waxa uu bixiyay raaligalin, waxaana halkan noogu yimid ergo garaad Jaamac iyo Ugaas C/laahi.
Garaad Jaamac oo ah Garaad ixtiraam weyn aanu u hayno, waxa uu naga codsaday  maadaama Somaliland ixtiraamto dhaqanka inuu ergo u yahay arrintan, waanu  ka aqbalnay annagoo ixtiraamaynaa garaadka, waxaanan ku  xidhnay shuruucda marka ay buuxiyaan ee heshiis dambe nala galaan ee buuxiyaan shuruudihiisa in TV-gaasi  yahay mid ixtiraami doona qaranimadda Somaliland. Markay  intaas fuliyaan waxba kama qabno.”
“Waxa weeye dadka ayaan doonayaa in aan dareen siiyo anigu waxaan ahay mulkiilaha wargeyska Saxansaxo ee aad adigu (Weriyaha)  ka shaqayso, waxa aynu isku ogol nahay adigoo wargeyskaa ka shaqeeya haddana su’aashan  I waydiiso aniguna aan   kaaga jawaabo,  nimcadaas ayaan haysanaa oo ceebina aanay ina  kala raacin,  xumaanna  isku qaadin. Saxaafadana  inta aanu u doodnay iyo inta aanu dadka ka haynaa, saxaafadu way og tahay, imika mushkiladu waxa weeye barigii hore Saxaafada iyo xukuumadaha ayaa marmi jiray, imika dadkii caadiga ahaa ayaanu  ka baqaynaa inay  saxaafada nacaan, anigu saxaafada cadow kuma ahi  hiil ayaan   ahay.”
 
Wasiir Cukuse oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxay u xidhan yihiin weriyeyaal war been abuur ah loogu xidhay Gabiley, waxa uu yidhi  “Waxaan u yeedhay suxufiyiintii waaweynaa oo aan waydiiyay ka bahan calanka la marinayay , waxaanay ii qireen inay ahayd wixii ina soo maray wixii ugu fool xumaa dunida. Waxa  uu sii daayay  qaarkoodii hore hadii uu ina tuso, waa geesi kabo la baalashaynayo ayuu ina tusay, afar inan oo kamarad sitay ayuu midna yidhi kamarada iigu qabo cagaha, waxa weeye  musuqmaasuqii ugu xumaa ee laga sameeyo meherad saxaafadeed markaa  inay iska hubsadaan HCTV  ayay ahayd.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply