“Ahmiyad Gaar Ah Ayuu Noo Leedahay Xarunta Boorama National Fistula Hospital” Wasiirka Caafimaadka

0
655

Boorame (Dawan)- Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Md. Saleebaan Axmed Ciise Xaglatoosiye ayaa shalay xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loogu talo galay haweenka laga daweeyo xanuunka Fistula oo ay maal galisay hay’ada World Vision isla markaana lagu kordhiyay Cisbitaalka heer qaran ee Fistulaha ee magaalada Boorama.

Munaasibad ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Saraakisha ugu sarreeya hayada World Vision ee mashuurac maalgelisay, Madaxda gobolka, kuwa dagmada, dhakhaaatiir, culimaaudiin, salaadiin iyo marti sharaf kale, ayaa ka qabsoontay magaalada Boorame.

Dr. Ibraahim Siciid Qaws, oo ugu horayn munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahada naqay hayada World Vision, isaga oo ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee ay cisbitaalkan ku aasaaseen, isla markaana sheegay in maanta uu yahay xarunta ugu balaadhan ee lagu daweeyo xanuunka Fistula ee ku taala dalka Somaliland.

Dr. Siciid Axmed Walhad oo isaguna halkkaasi hadal ka jeediyay waxanu yidhi “Waxa aan cisbitaalkan aasaasnay sanadkii 2008-dii, waxana aasaaskiisa keenay inaan dareenay duraafaha adag ee takoorka bulshada dhexdeeda ah ee ay ku nool yihiin haweenka uu asiibo xanuunka Isku-furanku, intaas wixii ka dambaysay waxa aan ku qalnay haween kor u dhaafaya 1500 oo qof oo gabi ahaantoodba xanuunka ka bogsaday, bulshadana dib ugu laabtay, kuwaas oo ka kala yimid meelaha afka Soomaaliga lagaga hadlo, waxa kale oo ka mid ah guulaha aan gaadhnay inaan xanuunka ka tirtirnay gobolada galbeedka dalka, isla markaana aan tababarnay jiil cusub oo bahda caafimaadka ah oo xanuunkan la tacaala iyo haween badan oo umulisooyin ah oo goobaha miyiga ah ee dalka ka hawl gala”

Dr. Wallhad waxa kale oo uu xusay inay wali jiraan baahiyo badan oo haysta cisbitaalkan waxana uu yidhi “Waxa jirta baahi dhinaca biyaha ah mar hadii haweenayda uu asiibo xanuunkani ay u baahan tahay biyo badan oo lagu dhaqo ama ay isku nadiifiso, sidoo kale waxa aan u baahi qabnaa helida qalab casri ah oo dhaqtarkani ku shaqeeyo gaar ahaan mishiinada, hawada dhaliya ee lagu xidho bukaanka iyo kuwo kale oo lagama maarmaan ah, waxa aan meesha ka maqnayn in aan u baahi qabno abuurida mashaariic dhinaca cilmi-nafsiga ah oo bulshada ku celiya haweenka uu Fistula ku dhacay iyo kuwo kale oo dhinaca badhitaageerka dhaqaalaha ah, waxana aan bulshada ugu baaqayaa in ay ka qayb qaataan taageeraha joogtada ah ee uu u baahan yahay cisbitaalkani.”

Nimco Iid Axmed oo ka socotay hayada World Vision ayaa iyaduna soo dhawaysay dhismahan maanta laga jaray xadhiga waxana ay tidhi “tan iyo 2006 ayay hayada World Vision ka shaqaynaysay dhinaca dawaynta iyo daryeelka haweenka qaba xanuunka Fistula, waxana aan la shaqaynaynay cisbitaalkan, waxana noo farxad ah in aan maanta dhismaha Waadhkan ku kordhino xaruntan, waxana aan ka marag kacayaa in hawsha uu hayo cibitaalkan Fistula ay tahay mid meel mar ah isla markaana ay taasi daliil u tahay inay xafladan nala joogaan haween da’yar ah oo ka bogsaday xanuunkan kadib markiii uu cisbitaalkani ka daweeyay”

Masuul ku hadlayay magaca hayada Taakulo Somaliland Community oo waadhkan la dhisay qalabeeyay ayaa soo dhaweeyay ahmiyada uu cibitaalkani leeyahay, waxana uu ka markhaati kacay in baahida loo qabo in xanuunkan Fistula bulshada laga dabar jaraa ay tahay mid balaadhan oo ay soo dhawaynayaan.

Madaxa hayada World Vision ee Somaliland  Kanchora Halake oo halkaasi ka hadlay ayaa ka marag kacay in guul laga gaadhay mashruucan dabargoynaya, dawaynaya iyo daryeelka haweenka uu ku dhaco xanuunka Fistulahu , waxana uu intan ku daray inay aad ugu faraxsan yihiin wada shaqaynta ay la leeyihiin xaruntan, sidoo kalena ay mahad balaadhan u celinayaan deeq bixiyayaashii maalgaliyay dhismahan iyo Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Md. Salebaan Xaglo-toosiye oo uu xusay inuu yahay wasiir ay ka go’an tahay dardargalinta hawlaha dhinaca caafimaadka ah ee dalka ka socda.

Gabadh ka mid ah Haweenka laga daweeyay Xanuunkan Fistula oo iyaduna ka hadashay halkaasi ayaa ka marag kacday in maanta ay hayso rajo balaadhan oo hore uga qarsoonayd, kadib markii ay daryeel caafimaad ka heshay cisbitaalkan, sidoo kalena waxa ay si balaadhan ugu mahad naqday hayada World Vision oo ay xustay inay ka taageertay helitaanka adeegan caafimaad, dib ugu noqoshadeedii bulshada iyo inay hayada World Vision siisay taageero dhaqaale oo ay ku noqoto qof mushtamaca dib ugu noqotay.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, maayar ku xigeenka mgaalada Boorama Md. Maxamed Maxamuud Faarax, Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Awdal Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Xaddi, haweenay ka socotay Wasaraada Qorshaynta, iyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka Awdal Md. Cabdiraxmaan Nuur Sugaal oo dhamaantood munaasibadaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay hayada World Vision, waxana ay soo dhaweeyeen dhismahan cusub ee ay hayadu dhistay, sidoo kalena waxa ay umada ugu baaqeen in la taageero cisbitaalkan oo bulshada hawl muhiim ah u haya.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Axmed Ciise Xaglotoosiye oo hadalka qaatay ayaa yidhi “Xanuunkan Fistula waa xanuun aad u daran oo haweenka ku sababa inay bulshada ka dhex baxaan, waa xanuun niyad jab ku rida haweenka, sidaas aawadeed ahmiyad gaar ah ayay noo leedahay xanuntan Borama National Fistula Hospital, waxana aan ku faraxsanahay inaan xadhiga ka jaro dhisme cusub oo lagu kordhiyay cisbitaalkan, aniga oo aanan marnaba iloobayn in aan u mahad naqo hayada World Vision oo cisbitaalkan dhismahan ku kordhisay, waxaana rajo balaadhan aanu ka qabnaa in dhismaha waadhkani uu waxbadan soo kordhin doono.

Wasiirka ayaa waxa uu madashaas shahaado sharafyo ku guddoonsiiyay saraakiisha hay’ada World Vision, shahaadooyinkaasi oo lagu dhiiri gelinayo dadaalka dheeriga ah ee ay ku bixiyaan adeegayada caafimaadka, gaar ahaan kan dhinaca Fistulha.

By. Axmed M. Saleebaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply