Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Ee Wakiiladda Oo Xog-waraysi la Yeelatay Maamulka Togdheer

0
415

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland oo toddobaadkii u dambeeyay socdaal ku marayay  gobolada dalka ayaa shalay  kulan la yeeshay  maamulka  Togdheer iyo isu duwayaasha laamaha dawladda ee gobolkaas

Guddoomiyaha Gudida Ilaalinta  Hantida Qaranka Maxamed Cali Xirsi ayaa sheegay in socdaalkoodu  ujeedadiisu tahay sidii xogwaran ay ula yeelan lahaayeen masuuliyiinta gobolka Togdheer iyo sida  ay u gudanayaan waajibaadka qaranka ee loo xilsaaray.

 Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka hadlayay arrintaasi waxa uu yidhi  “Maamulka gobolka Togdheer iyo isu duwayaasha waxaan idinka mahad celinayaa kulanka aan maanta (shalay)  wada yeelanay gudidan halkan fadhidaa waa gudida ilaalinta hantida qaranka, waxaanay  u xil-saaran tahay inay eegto hadba masuuliyiinta qaranka loo xilsaaray sida ay u gudanayaan xilkooda, ujeedada u weyn ee aan halkan u nimidna waxa weeye in aan xog waran aan isa siino labadayda  dhinacba.”

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka mid ah gudida ilaalinta hantida qaranka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay safarkoodu  la xidhiidhay sidii loo daadajin lahaa miisaaniyada qaranka, waxana uu yidhi “Waxa uu safarkayagu la xidhiidhay in aanu ka waraysano maamulka gobolka iyo isu duwayaasha miisaaniyada ay leeyihiin sida  ay u kharash garaayaan iyo miisaaniyada soo socota ee golaha hortaala. Haddii aanay  wax ku filan ama qaabka wada shaqayn wax ka dhiman yihiin, aanu eegi lahayn in miisaaniyada qaranka in la  daadajiyo oo aanay ku ekaan oo kaliya magaalo madaxda. “

Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa isaguna waxa uu tilmaamay in kormeer shaqo ku soo mareen degmooyinka hoos yimaada gobolka Togdheer, waxana uu yidhi “haddii aan guud ahaan idinka waramo gobolka xaaladiisa waxaanu ku soo marnay  kormeer guud degmooyinka gobolka Togdheer oo sagaal ah marka Burco laga reebo, labadii u danbeeyay Khamiistii ayaan soo marnay xaalada nabad-gelyaduna way wanaagsan tahay, iyadoo horumarkuna kala duwan yahay deegaammadda.

By: Khadar M. Dhako

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply