“Hore Ayuu u Yidhi Siciid Sulub Madaxweyne Siilaanyo Ma Noqon Doono Madaxweynaha Dalka” Xisbiga UCID

0
434

Hargeysa (DAWAN)-Xoghayaha xidhiidhka Gobollada Degmooyinka ee Xisbiga UCID, Cabdiqani Ibraahim Salaf (Kabtanka), ayaa cambaareeyay hadalka uu Siciid Sulub ku sheegay in WADDANI uu xarunta wasaaradda duulista ka beddeli doono halka ay imika ku taallo, haddii uu doorashada ku guuleysto.

Mr. Salaf ayaa qoraal kooban oo uu shalay soo saaray ku sheegay inuu ka xun yahay in Siciid Sulub ku hadlo hadal aan macno badan u samayn bulshada, isaga oo sidoo kalena soo faqey hadallo gef ahaa oo Siciid ka soo yeedhay wakhtigii uu ka mid ahaa xukuumadda Daahir Rayaale.

Mr. Salaf, ayaa sheegay in wasaaradda duulistu ku taallo meel ku haboon “Wasaaradda Duulista iyo Hawada Waxa Laga dhisay Meel ku Haboon, waayo Waxay Wasaarad u tahay Airportyada Sidaa Darteed Waxaa Laga dhisay Meel u dhow Airportkii Caasimadda.

Haddaba Hadalka Siciid Sulub Wax Ka soo Qaad Malaha, Waayo Waligiiba Waxaan Looba Fadhiyin ayuu Ku hadli Jiray.

Horuu u yidhi Siciid Sulub Markuu Xasaanada Wasiirnimo Hayay Madaxweyne Siilaanyo Ma noqon Doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Waayo uma qalmo. Siduu Hadalkaasi Faashilka iyo Bilaa Naxwaha u ahaa ayuun buu Hadalkan Maantuna La mid yahay.

Siciid Sulub Markuu Leeyahay Wasaaradda Duulista Hadaanu Qabsano Dalka Waanu Ka raraynaa Masalaha iyo Airportka agtiisa Wax Macno Wayn oo uu Ku sababeeyey Ma jirto.

Waxaan u arkaa hadalka Siciid Hadal Bilaa Macno Ah oo aan waxba Soo Kordhinayn, nin wayn oo iska hadlayna waa geed qolofi ka dhacday, horayso iyo danbaysana Siciid Sulub waxba laga waydiin maayo Airportyada Dalka marnaba.

Ugu Danbayntii Waxaan Leeyahay Siciid Sulub Nin waynbaad Tahaye hadalkaagu Yuu noqon Dhuuso Geel Mana urto Mana Baaqato ee Macno u yeel waligaa Hadalkaaga.Wabilaahi Towfiiq.”

By: Cumar M.Faarax

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply