Jaamacada ADMAS Oo Daah-furtay Barnaamij Ay Iska Kaashanayaan Hitotsubashi University Oo Ku Taalla Japan

0
535

Hargeysa, (DAWAN) – Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa ayaa daah-furtay barnaamij Waxbarasho oo loogu magac daray (Japan– Somaliland Open University) kaas oo ay iska kaashanayaan Jaamacada Admas ee Hargeysa iyo Jaamacada Hitotsubashi University gaar ahaan (Institute of Innovation Research. Munaasibada Daahfurka Barnaamijkan (Japan– Somaliland Open University) ayaa xalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta Jaamacada Admas iyo Masuuliyiinta Jaamacada Hitotsubashi University (Institute of Innovation Research) oo ay kala hogaaminayeen Gudoomiyaha Admas Mr Ixsaan Iyo Professor Yonekura, waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay masuuliyiin xukuumada ka tirsan, Arday iyo marti-sharaf kale. Ugu horayna waxa daahfurka xidhiidhka labada jaamacadood iyo barnaamijkan waxbarasho faahfaahin ka bixiyey Gudoomiyaha Jaamacada Admas Mr Ixsaan Cumar Ismaaciil waxaanu yidhi “Dhamaantiin waxa aan idinku soo dhaweynayaa xafladan furitaanka ah oo lagu daahfurayo barnaamijkan aanu ugu magac darnay (Japan – Somaliland Open University), waa mashruuc imika tijaabo ah oo aanu doonayno in aanu ka midho dhalino, wareega koowaad ardayda ugu horaysa ee aanu qaadanay waa 11 arday 5 ka mid ahi Admas ayay ka socdaan 6-da kalena hay’addaha kale. Waa barnaamij aanu doonayno in aanu kala kaashano Institute of Innovation and Research of Hitotsubashi University, waa jaamacad weyn waa baadhi kartaan oo internet-ka ayaad ka baadhi kartaan jaamacadaas iyo Institute Innovation and Research. Weftigan ka socda Japan waxay markii u horaysay inoo yimaadeen bishii August ilaa iyo maantana waa mar aanu kulamo fool ka fool ah yeelano iyo in aan xidhiidho kale yeelano, ugu dambayntiina waxa aanu ku guulaysanay in aanu maanta isugu nimaadno si aynu ugu daah-furno. Waxbarashadu waxa ay u badan tahay Online, kooxda ugu horaysa ee sabtida soo galaya, iyagu waxa ay fursad u helayaan professor-kii ugu horeeyey inuu fool ka fool wax ugu dhigi doono, waxyaabaha barnaamijkani xooga saarayo, waxa weeyi laba qaybood, group-ka koowaad Waa koox dhalinyaro ah oo shaqeeya oo la doonayo kooxdaas in lagu kaabo ama la siiyo waxbarashada casriga ah ee ay ganacsigooda ku horumarin lahaayeen. Kooxda labaad waxa weeyaan ardayda imika qalinjabinaysa ama dhawaan qalinjabisay oo aanu doonayno in aanu ku xoojino (empower) si ay iyagu u awoodaan in ay abuurtaan shaqo, isla markaana ay shaqaalaysiiyaan dhalinyarada reer Somaliland.

Markaa waxa weeyi barnaamij aanu doonayno in lagaga duubo macalimiin tayo sare leh iyo niman iyagu ku guulaystay heerna ka gaadhay ganacsigooda iyagoo meel hoose ka bilaabay cidina aanay caawin. Sida uu Cabdifataax inoo sheegay dalka Japan macdan, shidaal iyo beero toona ma laha, waxa ay horumarkaa ku gaadheen waa (human skills) waxbarasho waa aqoon, professor-ku markii ugu horaysay ee uu yimid waxa uu yidhi Somaliland iyo Japan waxbay iskaga mid yihiin (post to war) dagaalbaa ka dhacay waatii iyagana la ogaa ilaa nuclear lala dhacay. Maxay horumarka ku gaadheen weeyi, markii dambe iyagu nabadii bay qaateen, nabadiina waxa ay keentay in waxbarashadii lagu dedaalo isla markaana ay noqdaan wadankii labaad ee ugu xoog weyn dhaqaalaha inkastoo imika ay China soo gashay oo ay ka saddexaad noqdeen Japan. Markaa Somaliland waxa ay nabad ahayd mudo 23 sano ah, laakiin horumarkii loo baahnaa may gaadhin, markaa waxa aanu doonaynaa in dhalinyarada reer Somaliland aanu ku ladhno in khibrada iyo aqoonta ay la wadaagaan si ugu yaraan ay iskood wax u qabsadaan oo aanay sugin gacan shisheeye”. Ayuu khudbadiisa ku yidhi gudoomiyaha Jaamacada Admas Mr Ixsaan Cumar Ismaaciil. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Professor Yonekura oo ka tirsan Hitotsubashi University (Institute of Innovation Research) oo ku taala dalka, taas oo xidhiidh waxbarasho uu dhex marayo jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa. Professor Yonekura oo isaguna halkaasi hadal dheer ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Farxad ayay ii tahay caawa in aan halkan kaga dhawaaqno barnaamijkan Japan-Somaliland Open University, mudo dhawr bilood ka hor ku siman mid ka mid ah ardaydayda ayaa iisoo qoray email uu iigu sheeayo in Somaliland ay tahay meel soo jiidasho leh, waxaana uu noqday falceliskaygii ugu horeeyey Somaliland inay tahay meel khatar ah oo aynaan tagi Karin, balse markii dambe ee uu yidhi kaalay ayaanu sidaa ku nimid, waxaana ogaaday in Japan iyo Somaliland ay wax guud wadaagaan oo ay ka mid tahay muhiimada nabada. Waxaana aad iyo aad ula dhacay in wadankani uu modo 23 sano ah uu xajistay nabadiisa taas oo ah guul weyn. Japan markii uu dagaalku ka dhacay 1945-kii waxa ay iyaduna go’aansatay inay nabad ku noolaato oo ay hada nabad ku nooshay mudo 70 sano ku siman isla markaana Japan ay ku noolaato koboc dhaqaale oo heer sare ah iyo barwaaqo taas oo aan ogaaday in aad idunka ilaa iyo hadda baadi-goobaysaan oo aydaan haynin. Waa fikir wanaagsan in aynu wadaagno aqoonteena”.  Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mr Atosoyoshi kaas oo ka waramay dhalinyarada reer Japan, waxaanu xusay in markii uu go’aansaday inuu Somaliland tagayo ay hooyadii kula talisay in aanu tagin Somalia balse uu ku qanciyey in meesha uu tagayo ay tahay Somaliland oo aakhrikii ay la qaadatay inuu u socdaalo Somaliland. Mr Atosoyoshi waxa uu xusay inay faraxad u tahay inuu halkan yimaado oo uu jeclaaday wadankan nabada ah ee Somaliland isla markaana ay wax wada qabsadaan. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Mr Cadnaan oo ah aasaasaha jaamacada Admas ee magaalada Hargeysa waxaanu yidhi “Sidaad ogtihiin Jaamacada Admas maaha markii ugu horaysay oo barnaamij noocan oo kale ah soo qaban qaabiso. Jaamacada Admas kumay iman qaab ganacsi, waxa ay ku timid qaab gurmad oo ah ka qaybqaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalka ah in la hirgaliyo oo la furo waxa ay qaadatay mudo sanado ah, laga yaabaa maanta hadii ay dad is-yidhaahdaan Somaliland jaamacad ka fura inay saacado ku qaadato, laakiin Jaamacada Admas waxa ay qaadatay sanad iyo todoba bilood, madaxda Ethiopia waxa ay isweydiin jireen dadka hawshan wataa maxaa ku kalifaya inay sanad iyo todoba bilood daba socdaan sababtoo ah lama ogolayn xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ka dhexeeya kuma wajahnayn dhinaca waxbarashada, balse qaybo kale ayuu ahaa. Waxay noqotay Jaamacada Admas jaamacadii u horaysay ee Ethiopian ah ee Ethiopia laga dhoofiyo ee dibada la geeyo ee sifo sharixiya ku timaada”. Mr Cadnaan waxa uu xusay in arintaasi ay xoojisay xidhiidh dhinacyo badan oo dhex mara Somaliland iyo Ethiopia, waxaanu sidoo kale sheegay in jaamacada Admas ay qayb laxaadle ka qaadato xidhiidhada caalamiga ah iyagoo jaamacadaha ay xidhiidhada la samaynayaan ku qanciya in Somaliland iyo Somalia aany isku mid ahayn oo ay yihiin laba dal, taas oo aakhirka keenta marka ay ka hadhi waayaan in la ogolaado. Mr Cadnaan Aasaasaha Jaamacada Admas ee Hargeysa isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Afar sano ayay nagu qaadatay in aanu u sharaxno Somaliland iyo Somalia in aanay isku mid ahayn taas oo wax weyn ka ah qadiyada Somaliland, waxaanay jaamacadahaasi ku khasbanaadeen in ay yidhaahdaan dadkani naga hadhi waayaye bal waxan ay wadaan aynu eegno oo ay sababtay inay iyaguna yimaadaan”.   Gabagabadii waxa iyaguna halkaasi hadalo mahadnaq iyo dhiirigalin ah isugu jira ka soo jeediyey Cabdifataax Siciid oo ah la taliyaha Madaxweynaha ee xidhiidhada caalamiga ah iyo Sakariye oo isna ah la taliyaha Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, kuwaas oo dhamaantood Jaamacada Admas ku amaanay doorka ay Somaliland ugu jiraan hawsha ay jaamacadaha caalamiga ah ee ay xidhiidhada la samaynayaan ay kaga dhaadhicinayaan dalka Somaliland in aanu la mid ahayn Somalia oo aanay isku mid ahayn balse ay yihiin laba dal oo kala madax banaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply