Masuuliyiintii Laga Eryay Xukuumadda Oo Shuruudo Adag Ku Xidhay Qorshe Ay Ugu Biirayaan Xisbiga WADDANI

0
423

Hargeysa (DAWAN)-Koox siyaasiyiin ah oo   hore xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo , hase yeeshee xilalkii  laga qaaday ayaa kulamo ay maalmihii la soo dhaafay ay ku lahaayeen magaaladda Hargeysa, waxa la sheegay inay ka baaraan-degayeen sidii ay uga bixi lahaayeen xisbiga KULMIYE uguna biiri lahaayeen asxaabta mucaaridka ah iyagoo isku duuban.

Xubnahan oo uu Hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Daakhiliga Wasiirkii hore ee Daakhiliga Maxamed Nuur Caraalle (Duur), waxa ka mid ah  Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog),  Wasiirkii hore ee Boosaha Cali Cilmi Geelle , Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaalle,  Badhasaabkii hore eeTog-dheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji) Agaasimihii hore ee dib u dejinta Axmed Cilmi Yare,Maareeyihii hore ee Laydhka Weli Axmed Xaawo  iyo xubno kale ayaa kulan ay  habeen hore ku yeesheen  Huteelka Crown ee caasimadda Hargeysa, waxa la sheegay inay go’aansadeen inay ku biiraan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, hase yeeshee sida ilo war-galeen ahi DAWAN u xaqiijiyeen waxay kooxdani  inay ku biiraan WADDANI ay ku xidheen shuruudo adag oo ay suurto-gal tahay inay isku af-garan waayaan xisbigaas.

Warku  waxa uu intaas ku daray in kooxdani ay isku waafaqeen inay wada hadallo deg-deg ah la yeeshaan xisbiga WADDANI, balse ay miiska la tagaan laba qoddob oo waaweyn kuwaasi oo kala ah

1-      In ay ku biiraan Xisbiga  WADDAN iyaga iyo taageereyaashooduba .

2-      In WADDANI uu  siiyo Guddoomiyaha Xisbiga ama murashaxa madaxweynaha midkood.

3-       Xubnahani waxay isku raaceen in haddii xisbiga WADDANI uu labadaas qodob midna fulin waayo, iyaguna aanay ku biiri doonin.

Hoggaanka xisbiga WADDANI iyo siyaasiyiintan ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda shir ku yeeshaan magaaladda Hargeysa si ay uga wada hadlaan heshiis dhex mara labada dhinac, waxaana arrintan maalmihii u dambeeyay si weyn uga shaqeynayay oo ku hawlanaa  Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur), inkasta oo uu ku guul-daraystay hindise uu u soo jeediyay kooxdiisa oo ahayd inay shuruud la’aan ugu biiraan WADDANI, balse siyaasiyiinta kale ee ay Olloga yihiin ayaa ku dooday inay shuruudo waaweyn iyo heshiis rasmi ah oo kaliya ku geli karaan xisbiga WADDANI.

Geesta kalena, ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Guddoopmiyaha xisbiga WADDANI Md.C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in aanay caqli gal ahayn in uu ayido labada qoddob ee kooxdani la soo shir tagtay, hase yeeshee uu ku dedaali doono inuu  ku hanto inuu balan-qaadyo iyo heshiis la galoi siyaasiyiintan xil doonka ah, maadaama oo aanay ahayn urur ku biiraya xisbi.

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah Horjoogeyaasha kooxdan  ayay isaga dhaqan u tahay inuu sheegto urruro iyo kooxo sharci darro ah marka xilka uu xukuumadda ka hayo laga eryo.

Geesta kalena,waxa  la soo weriyay in tallada kooxdani  ay ku gacan saydheen Taliyeyaashii hore ee ciidanka qaranka Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif) iyo Nuux Ismaaciil Taani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply