Hargeysa (DAWAN)-Qoraa madax-banaan oo mar socdaal ku yimi Somaliland ayaa wax ka qoray aasaarta qadiimka ah iyo godadka xardhan ee tilmaamaya raadadka taariikhdii hore ee Somaliland.
Sean Mclachlan oo ah qoraa wax ka qora taariikhda iyo socdaallada, ayaa qoraalkiisa ku faahfaahiyay taariikhda duugga ah ee Somaliland iyo sida raadkaasi taariikheed loo ilaaliyay.
Qoraaga waxa qormadiisa ka mid ahaa: “Waxa aan booqday Somaliland oo ah dawlad madaxbanaan oo dhaqan gashay kuna timi doorasho xor iyo xalaal ah, lehna dhaqaale kobcaya, iyo sharcigii iyo kala dambayntii”.
“Booqashada Somaliland waxa ay siinaysaa dadka dibadda ka yimaada fursad ay ku ogaadaan dhaqanka Soomaalida iyo inay indhahooda ku arkaan qaar ka mid ah godadka qadiimka ah ee xardhan ee ugu wanaagsan Afrika”.
“Waqtiyadii qadiimka waxa ay Soomaalidu ahaan jirtay xoolo dhaqato, dhaqankaasi oo weli ka jira inta badan miyiga Soomaalida. Soomaalidii hore waxa ay noloshooda ku muujin jireen godad dhagxaan laga qoray oo ku teedsanaa dhulka Soomaalida oo dhan, waxaanay intooda badan yihiin kuwo aan wax sidaas ahi iska beddelin, taas oo ay ugu wacan tahay cimilada qalalani, gaboodyada dabiiciga ah iyo xaqiiqda ah inay Soomaalidu isticmaali jireen macdan rinji ah oo markay engegto u yeelaysa qaro iyo adayga wixii lagu xardhay. Qaar ka mid ah oo aan arkay waxaabad moodaysay inay jireen tobanaan sano oo keliya oo aanay jirinba kumanaan sano.
Boqolaal ah godad leh raadad taaiirheed ayaa laga helay Somaliland oo dhan, waxaana mahadeeda leh dadaalka aan joogsiga lahayn ee DR. Sacda Mire. Waqtigan waxa ay tahay qofka keliya ee soomaaliga ah ee ku haysta shahaada PHD cilmiga arkiyoolajiga, waxaanay u hurtay waqtigeeda in ay ururiso, islamarkaana kaydso dhaqankeeda hore.
Goobaha dhagxaanta taariikhda ah ee sida fudud loo gaadhi karo , isla markaana ugu wanaagsan waxa ka mid ah Laasgeel.
Laasgeel ayaa ah buur dhagaxeed saacad looga socdo caasimadda Hargeysa, waxaana ku yaal ugu dhawaan labaatan dhagxaan la xardhay ah oo qaarkood leeyihiin midabo gidaarkooda danbe u badan yahay casaan oo si caddaan ah loogu xardhay sawirada lo’ iyo xayawaanno kale sida riyo, deero iyo geri, waxaa soo raaca dhawr muuqaallo dad ah oo qaarkood u muuqdan inay gacmahooda kor u taagayaan sidii oo ay cibaado samaynayaan, iyada oo mid ka mid ahina uu si toos ah caano uga cabayo candhada neef ka mid ah. Godadkaasi xardhan ayaa waxa adag in la sheego taariikhdooda qaarkood.
Dadka arkiyoolajiga bartay qaarkood ayaa waxa ay ku qiyaaseen ilaa 11,000 sano inay jireen, halka qaar kalena ku sheegeen inay ku dhaw yihiin oo ay jireen 5,000 oo sano oo kaliya. Si kastaba ha ahaatee waa xidhiidh muhiim u ah taariikhdii qadiimka ahayd”.
By: Sean Mclachlan
Dawannews Hargeysa office