Siciid Sulub Oo Af-lagaadeeyay Dhallinyarada Iyo Cuqaasha Beesha Koonfurta Hargeysa

0
492

Hargeysa (Dawan)- Wasiirkii hore ee wasaaradda hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Mudaen  Siciid Sulub Maxamed ayaa si qaawan u af-lagaadeeyay wax-garadka iyo dadweynaha ku dhaqan xaafadda Koonturta-barri ee Magaalada Hargeysa.

Xubno ka mid ah aqoonyahanka, waxgaradka, dhallinyarada Iyo Cuqaasha beesha Koonfurta magaalada Hargaysa ayaa habeen hore si aad ah uga dhiidhiyay hadallo xanaf leh oo uu todobaadkii hore Siciid Sulub Maxamed wax kaga sheegay dhismaha cusub ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka ee laga hirgeliyey deegaanka Masallaha.

Siciid Sulub Maxamed, oo shalay qabtey shir jaraa’id oo uu kaga jawaabayo hadallada Cuqaasha beesha Koonfurta-bari ee Hargeysa ku difaaceen ahmiyadda dhismaha wasaarada duulista, ayaa hadalkiisa ku bilaabay weedho uu ku weeraray garashada dadka deegaankaasi, waxaanu tilmaamay in sababta uu shirka jaraa’id  u qabtey tahay inuu beeniyo hadallada ay Cuqaashu isaga hore ugu dureen, si  aanay u rumaysan ayuu yidhi dad uu ku tilmaamay Dhanga-gaale.

Siciid Sulub isaga oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi “Labada nin ee Cuqaasha ah ee ka hadlay Telefiishanka Qaranku way garanayaan sababta ka hadlisay, runtana way og-yihiin laakiin waxaan halkan u soo fadhiistey (Shirka jaraa’id) waxa weeyaan inaan warkoodaa beeniyo, si aanay u qaadan dadka makasta ah ee dhallinyarada iyo Dhanga-gaalaha u badan”

Siciid Sulub Maxamed, oo ka hadlaya ujeeddada hadalkiisa hore ee Cuqaashu ka jawaabtey ayaa sheegay “Aniga hadalkeygu wuu caddaa oo waxaan daba socday weerar uu Wasiirka duulista iyo hawadu uu aniga shaqsiyan iyo xukuumaddii hore u geystay, waxaanan warkiisa ka rogaal celintiisii aan is barbar dhigay guriga uu Masallaha ka dhisay iyo guriga uu iibiyey iyo qiimaha ay kala lahaayeen dhaqaale ahaan. Arrintaa in la reereeyo ma ahayn, waayo xisbiga WADDANI ma jirto siyaasad uu wax ku xumaynayo oo uu koonfurta Hargeysa ka leeyahay, maadaama oo aan la naga lahayn koonfurta Hargeysa, xumaanta la xumeeyaana waa xumaantayada” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Ma ahayn in Wasiir hore iyo Wasiir dambe oo wada hadlay dhaqanku soo dhex galaan, weliba dhaqankii aniga dhankayga xigay ay dhankaa (Xukuumadda) u adeegaan ma ahayn”

Hadalka Siciid Sulub ayaa ku soo beegmaya xilli uu toddobaadkii hore uun sheegay in haddii xisbiga WADDANI uu talada dalka ku guuleysto uu xarunta wasaaradda duulista hawada ka soo rarayo deegaanka Masallaha ee ay imika ku taallo. arrintaasi oo bulshada deegaankaasi ka cadhootey, ahna waxa keenay hadallada uu imika Siciid Sulub ka jawaabayo ama uu daba socdo.

By. Axmed M. Saleebaan

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply