Wasiirka Warfaafinta oo Ka Hadlay Dhaqan-galka Xeerka Saxaafadda iyo xeerka Anshaxa

0
491

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka Iyo wacyigelinta Md.  Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuse), ayaa sheegay in uu saxeexay Xeerka lagu  anshax marinaayo saxaafadda iyo guddidii maamuli lahayd ee anshax marinta u qaabilsanayd warbaahinta.
Md. Cakuse oo shalay xafiiskiisa shir jaraa’id ku qabtay waxa uu shaaciyey in uu Xeer-ilaalinta u gudbiyey digreeto lagu mamnuucaayo hay’adaha warbaahineed ee ruqsada la siiyey, balse aan shaqayn iyo kuwa maalinta mulkiiluhu u baahdo soo baxa.
 
“Maanta waxaynu saxeexnay xeer-nidaamiyihii Xeerka Saxaafadda iyo heshiiskii ay saxaafadda madaxbannaan samaysay waqtiyadii doorashada. Xeer-nidaamiyahaas aan soo saarnay waxay tilmaamayaan ku dhaqanka xeerka saxaafadda ee xeer lambar 27 iyo xeerkii anshaxa (code of conduct) ay saxaafaddu samaysay waqtigii doorashooyinka oo ah mid aad u qiimo badan, galdaloolooyin badan daawayn kara.
Xeer-nidaamiyahaas aannu saaka (shalay) saxeexnay wuxuu tilmaamaya sida xeerka saxaafaddu ogol yahay, xeerkaas anshaxuna ogol yahay in la abuuro guddiga anshaxa, waxaanay noqon doontaa guddi ka kooban, xubno ay xuquuqal-insaanku soo magacabaan, kuwo ay keenaan ururka qareennadu, kuwo ay keenaan Wasaaradda Warfaafintu, kuwo ay keenaan ururrada saxaafaddu, qaar ay keenaan Guddida Culimadu. Waxa aynu ujeednaa in sharciyaqaan, kuwii xuquuqal-insaanka u doodaayey , kuwii culimada ahaa ee diinta aqoonta u lahaa iyo kuwii saxaafadda aqoonta u lahaa oo ururrada saxaafadda ah, kuwii saxaafadda dawladda gacanta ku hayey ay wadagaan, qolo walbana ay keento qof khibradaas leh oo ay noqdaan guddi.”
 
 
“Guddigaas anshaxa waxaannu ka wadahadlaynaa cidii gacanta ku hayn lahayd oo ah cid dhexdhexaada, waxaanannu rajo weyn ka qabnaa in Akadamiga Nabadu noqoto hoygooda amma halka ay fadhiyaan ee ay xafiiska ku yeelan doonaan, dabadeedna xeer hoosaadkooda ay ku wada shaqaynayaan ay samaystaan waqti aan sii fogayn,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Wasiir Cukuse waxa uu daboolka ka qaaday in ay diyaariyeen liisankii suxufiyiinta iyo haya’daha warbaahinta, loona baahan yahay in si deg deg ah ay u qataan, waxaannu yidhi “Waxa kale oo uu xeerkan tilmaamaya sidii aan ballan-qaadnay inuu suxufigu amma saxaafaddu ay noqoto mid cashuurta qaranku ku waajibiyey shubta, si taas loo helana waa in ay liisankii goostaan, kaasaana  noqonaya inuu muwaadinku cashuur bixiye yahay iyo inaannu ahayn. Waxa aynu bixinaynaa ruqsadii, waxaynu fursad siinaysaa December ilaa January, marka ay February joogtana waxaynu u baahan nahay in hay’ad kasta oo warbaahineedba tahay mid gacanta ku haysa liisankii oo goostay oo cashuurtii qaranku ku waajibiyey iska bixiyey. Waan u mahadnaqaya hay’adaha warbaahineed ee noo yimi ee u soo diyaargaroobay in ay liisankii goostaan.”
 
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Waxa aannu daabacnay liisamadii, marna waa hay’adda, marna waa suxufiga, waana in hay’adu liisankii qaata, ruqsadii baannu la imaanaya, kadibna xafiiska cashuuraha bariga ee Wasaaradda Maaliyadda ayuu tegaya, wuxuuna soo goosanaya juwankii, waxaannu imaanaya xafiiska Agaasimaha Guud, juwanka marka uu ula yimaado ayuu liisankii siinayaa.”
 
“Xeerkan waxa kale oo aannu la saxeexnay digreeto aannu ka soo saarnay, Xeer-ilaalintana u gudbinay, waxaanay tahay mid aannu u aqoonsanay maamul ahaan iyo Wasaarad ahaanba dhammaan ruqsadihii saxaafadeed ee jeebada lagu haystay labada sannadood illaa afarta sannadood ee aan shaqaynin ee maalinta muraad yar loo leeyahay lala soo baxaayey amma aan waligoodba lala soo bixin, cashuur dawladeedna aan laga shubin, haddana warqad saxeex ku yaalo ahayd, warqadaas waannu ka kansal garanayn maanta laga bilaabo. Waxaana dhaqangal ah, aqoonsanahayna, liisamadana siinaynaa, saxaafadda iminka mihnada ku dhex jirta oo la yaqaanno ee caanka ah,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta.
 
Wasiirka  waxa uu sheegay in sababaha xeerka anshaxa loogu baahday ay ka mid yihiin; “Sidee baan xeer loogu baahanayn marka nin weriye ah intuu istuudyaha soo fadhiisto uu yidhaa waxa magaalo hebla ka dhacay mudaharaad, waxaana la filayaa inay barina ka dhacdo magaalo hebla iyo magaalo hebla oo uu isagu yahay kii qabanqaabinayey ee diyaarinaayey mudaharaadka dambana, markaad aragto ninkii oo toos iskaga caddaysanaya oo hadalka ay ka maqan tahay uun adeerkayna aad buu u mahadsan yahay oo qabyaalada laftarkeeda uu xambaarsan yahay.”
 
Md. Cabdillaahi Cakuse waxa uu sheegay in ciidammadu qaban doonaan xarun warbaahineed kasta oo aan ka diiwaangashanayn dawladda.“Horta waxyaabaha dhaqan kasta iyo luuqad kasta oo adduunka ka mid ah ka siman yihiin ee agtooda ceebta ka ah waxa ka mid ah tuugada. Tuugada luuqad kasta oo bani’aadam ku hadlo oo lagu sheego waa ceeb, intay doontana ha ku qaadatee bilaysku waa kii soo qabta maalinta dambe, idaacadaas tuugay ahayd, xaafadaha magaalada qaar ka mid ah baa laga maqli jiray warkeeda, aniga wali dhegahaygu may maqal. Idaacadaas bilaysku wuu soo qabtay, waxaanannu u sheegayna cid kasta oo isku dayda xuduuda Somaliland gudaheeda in ay ka shido idaacad amma meherad saxaafadeed oo aan ruqsad ka haysan qaranka Somaliland in ay ciidammada ammaanku qabtaan waannu ku faraxsanahay, waannu soo dhawaynaynaa, waxaana la horgaynaya sharciga.”
 
Wasiirku  Waxa kale oo uu iftiimiyay in Madaxweynuhu yahay murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE doorashada soo socota, cid isla sharaxaysaana aanay jirin.
 
“Dalkani madaxweyne ayuu leeyahay waa Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), musharaxiisa koowaad ee  xisbiga KULMIYE  leeyahay waa Axmed SIilaanyo muwaadin kasta oo xisbigaas ka mid ahina xaq ayuu u leeyahay in uu is sharaxo.laakiin waxaan idiin sheegayaa marka doorashadu timaado musharaxa koowaad xisbiga KULMIYE  waa hogaamiyihii xisbigaasi aasaasay waa madaxweynaha maanta tallada dalka haya waa Axmed Siilaanyo,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply