“Xisbiga WADDANI Waxaan Leeyahay Qabaa’ilka oo dhan Doono Hal Qabiil Wax ma soo Saaree”

0
427

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI isagoo saaxaddaba ku cusub ay badatay jalaafooyinkiisii.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidaasi ka  sheegay mar uu ka hadlayay madal ballaadhan oo shalay lagu soo dhawaynayay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo lagu qabtay magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd, taasi oo xadhiga lagaga jarayay shan Km oo ka mid ah jidka isku xidhaya Hargeysa iyo Bali-gubadle.
“Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay, horta waa ciyaartii kuugu horraysay ee aad garoonka soo gasho, maalintii WADDANI loo xafladaynayay ayaa la igu  soo casuumay,waxaan ku idhi WADDANI garoonka waan idinku soo dhawaynayaa, waayo aragna waanu nahay annaga ciyaar xanaaq iyo jalaafo leh ha naga eegina, sida gobolka Hawd uga badiyo gobolada kale ayuun  baanu annaguna u badinaa. Waddani waxaan u sheegayaa  ciyaartii doorashooyinka ayaynu galaynaa, annaga KULMIYE xanaaqu waa naga ceeb, waxaa la yaableh xisbiga WADDANI Isaga oo aan garoonkii soo galin ayuu sii xanaaqayaa oo jalaafadiisi badatay, horta garoonka wax la soo gal ciyaartaada ha la arkee. Waxaan leeyahay dadka yaan qas la gelinin. Annaga waxa waliba waa naga diyaar, wixii hadhay waxa ay ku jiraan gacanta Baarlamaanka, waxaa laga rabaa ansixintii guddiida Doorashooyinka, miisaaniyaddii in la ansixiyo waxaa laga rabaa Baarlamaanka, xeerkii waxaa laga rabaa Baarlamaanka, midna waan idiin sheegayaa ee waa kuma qabiilka kaligii soo saari kara madaxweyne,  aniga oo reer hebel ahi meel  i gayn mayso ee reer Somaliland oo dhan ayaa la rabaa, xisbiga WADDANI waxaan leeyahay qabaa’ilka oo dhan doono hal qabiil wax ma soo saaree.”
 
 
 
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay xafladaasi iyo gobolka Hawd, waxaanu yidhi  “Mudane Madaxweyne, aniga oo ku hadlaya afka magaca gobolka Hawd, waxaan leeyahay soo dhawaada. Mudane Madaxweyne haddii aanu nahay gobolka Hawd ama reer Hawd-ba, taariikhdii reer Somaliland laga soo bilaabo faraacinadii illaa halgankii, illaa maanta oo aynu joogno marka loo baahdo halgan iyo xoog loo baahdo iyo tamar annaga uun ayaa u jilbo dhigi jirnay, haddii aanu nahay Hawd, reer Somaliland Waran-caddena ku dhehoo xeebta ku haraaadaan, nolosha iyo barwaaqada annaga ayaa u horseednay.Saddex halgan oo ugu dambeeyay ayaynu soo qaadanaynaa, midi waa kii SNM, tan maanta ma joogno oo lagu noqon maayo.  Mujaahid Timacade ayaan arkayay ee halkan ha yimaado oo agtayda ha isa soo taago, dalku maalintii uu u baahnaa rag u dhinta, ragga maanta leh Wajaale aniga ayaa leh ama Burco aniga ayaa leh ee qolo sheeganayow aniga iyo Timacade xabad ayaa nagu wada dhacday oo isaga kaaya dustay, maalintaa ay nagu wada dhacday ayuun bay noloshuna sidaa isugu mataanaysan tahay, dalkana lama kala laha ee raggii ay xabadi isugu martay ayuun baa wada leh.”
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa  kale oo uu digniin adag u diray rag uu ku tilmaamay koofiyad baclayaal bushada ku dhex abuuraya qabyaalad iyo naxli, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay raggii sidaa ahaa, ee dhiiga sidaa isugu huraayay, waxaan leeyahay ragga maanta koofiyad u qaata ama bahalka Laptobka la yidhaahdo u soo qaatoow, ee qolo qolada u kala sheegaya ee reeraha u yimaadow, dadka dhiigooda ayaa isku dhafan, dalka ILLAAHAY ayaa dadka siiyay, dawlada  ayaa ka wakiil ah, distoorka ayuu ku qoran yahay, nin waliba waxa uu ka qabto iyo horumarkiisa ayuu leeyahay, sida marka difaac loo baahdo loo wada leeyahay.”
Muuse Biixi   isagaa oo sii faahfaahinaya guulihii iyo halgankii bulshada reer Hawd waxa uu intaa ku daray “Qodobka labaadi waa halgankii dimuquraadiyadda, markii xisbiyada la furay ee halgankii dimuquraadiyada loo baahday bari ilaa iyo galbeed, haddii aanu nahay gobolka  Hawd ama reer Hawd-ba waxaanu isugu tagnay xisbiga KULMIYE, miyaanaan boodhka kaga duulin xisbiyadii kale, waxaa isugu tagay haldoorkii, waxgaradkii, dadkii lexojeclada ku lahaa Kulmiye ee dhiigoodu ku daatay, kaasina waa halgankii labaad oo nalagu caayi maayo.”
 
“Halgankii horumarka ayaa yimi, bal u fiirsoo waddo oo dhan ta Ceerigaabo mooyaane waddo oo dhami Hawd ayay u socotaa wixii la samaynayo oo dhami, haddii aanu nahay reer Hawd mid waanu qaadanaynaa oo waanu ku faanaynaa,  badwaan ayaad tihiin oo il-bax ma tihidin, ilbax ha iska joogo, laakiin waxaanu leenahay run sheeg, wax-qabad iyo daacdnimo hawshii loo dhaqaaqaba, intaas ayaanu ku faanaynaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxaanu intaa ku daray “Haddii aan ka hadlo xaalada dalku maanta marayo, walaalayaal sida aynu ognahay waxaa maanta dalka ku soo fool leh xumaddii doorashada, waxaan idiin sheegayaa in xisbiga KULMIYE oo madaxweynihiisii halkaas fadhiyo, wax alla iyo wixii loogu tallo galay doorashadu in ay naga dhan yihiin, nin walba oo noo yimaada caddaan iyo madawba waxaanu ku qancinay sida distoorku qoraayo in aanu qodob walba iyo sharciyaddiisa aanu maalintiisii dhamaynay.
Waxaanaan garanayn, bal waxa lagu canaanayo xisbiga KULMIYE iyo Xukuumaddiisa, lama rabo in dadka caadifad lagu kiciyo, lama rabo in dadka waxaan jirin lagu garaaco, KULMIYE waxa ku baaqday waxaanu u baahanay in nalagala doodo fagaare iyo Telefiishanada oo ha iga helo gartaa.”
By: Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply