Xildhibaan Dheeg oo Tafsiir Ka Bixiyay Hadal Uu Sallaxley Ka Yidhi Oo La Qoonsaday

0
577

Hargeysa(DAWAN)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtidda, ayaa tafsiir ka Bixiyay hadal uu ka jeediyay xafladii dhawaan madaxweyne Siilaanyo xadhiga kaga jaray 28 km oo ka mid ah  jidka Sallaxley, oo ay dad si kale u fahmay qoonsadeen hadalkiisii .
Xildhibaan Dheeg waxa uu xalay xarunta Wargeyska DAWAN soo gaadh siiyay qoraal uu ku faahfaahinayo hadalkiisii isla markaana uu ku difaacayo dabuubtiisii hore, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:- “Aniga oo ah Mudane Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) Waxaan halkan ku iftiiminayaa hadal aan ka idhi xafladii Madaxweynuhu xadhiga kaga jarayay 28 km ee wadada Salaxlay ee beeshu samaysay, kaas oo dalka gudihiisa iyo dabadiisaba dad aan fahmin nuxurka ay xambaarsanayd kalmadaydaasi ay hadal cambaarayn iyo  ceebayn ah galiyay website-yadda  hadalkaa daraadii. Gaar ahaan 200 ee nin ee  isku magacaabay in ay joogaan Maraykan iyo Europe ee sheegay in ay ummad aan caayay xaal siinayaan haddii uu nuxurka hadalkaasi ku adkaaday imakaan dib ugu celinayaa ee ha ka bogtaan.
Waxaa jirtay wakhtigii Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa dalka waxaa mucaarid ahaa madaxweynaha imika hoggaanka dalka  haya  iyo  Faysal Cali Waraabe, Beeshani maalintaa way shirtay waxaanay odaraseen haddii walaalaheen ina raacaan Faysal ayaa soo baxaya isla goobtaa waxa laga magacaabay wefti uu hogaaminayo Suldaan  Maxamed Sul  C/qaadir,  weftigaas oo Konton  xubnood ku dhawaa waxaa loo diray magaaladaa aynu joogno illaa Ceerigaabo ayay u jeedadooda oo Muusanoow iyo Qaylo Xambaarsan ka dhaadhiciyeen, Faysalna xagii Xisbinimo ayuu isaguna ilaa Ceerigaaba Baabuur iyo diyaaradba ku dhex maray  natiijadii lagala soo noqday idinku iswaydiiya?
Haddii aan midh yar kaga noqdo goobtii xaflada furitaanku ka dhacaysay  ee beeshu waday isku raacday inay madaxweynaha garab, gaashaan iyo cod buuxaba siiyaan, aniguna  markaan idhi madaxweynahaas ayuun baa noo musharax ah ayaa nin iga ag yidhi “Nin Garxajisaa Sharaxan aniguna  waxaan ugu jawaabay halkii Faysal la dhigay ayuun buu yaalaa waliba isagu hoos buu u hadlee anigu microphone-ka (cod-baahiyaha) ayaan hadalka kaga dhawaaqay, midhka la igu haystaana waa kaas oo kaliya.
 
Sidaa darteed waxaan aad iyo aad u jecelahay in walaalnimada iyo tolnimadu mar walba shaqayso haddaba ninka I leh  marka Barri wax doonaayo ayuun bay shaqaynaysaa ee Galbeedku meeshaba kuma jiro kaasi isagu ha Ii soo jawaabo, waayo mar haddii la leeyahay Faysal tii laga yeelay maxaad  u soo hadal qaaday waxay noqonaysaa in magacan la wada sheeganaayaa u shaqaynayo dhinac kaliya maalintii ay taasi taagnaydna qof kasta oo beesha ka tirsani xisbi kasta ha ku jiree, wuxuu jeclaa inuu Faysal soo baxo, waxaase maalintaa tolkay u qaybsamay UDUB iyo KULMIYE, maantana kii ku farxaya iyo kii ka naxayooba Kulmiye Ayaanu  nahay garab iyo gaashaanba isagaanu la dhinac taagan nahay. Meeel fogna maan tagine hadda waa kaad maalintii jeclayd ayuun baa annaguna  maanta jecel nahay, maantana Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa iska leh. Allaa Mahad Leh”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply