“Bulsho Caafimaad Qabta Oo Wax-baratay Ayaynu Horumar Ku Gaadhaynaa” Marwo Aamina Waris

0
479

Hargeysa(Dawan):- Marwada koowaad ee Somaliland  Aamina-waris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa balan qaaday in ay si weyn  isku  garab taagayso  barnaamijka Bad-baadinta Hooyadda iyo Dhalaanka.
Marwo Aamina-waris, waxay sidaasi   ka sheegtay munaasibad shalay  lagu daahfuray bad-baadinta  hooyada iyo dhalaanka gaar ahaan ka hor tagga geerida hooyada xiliga dhalmada, kaasi oo ay  soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland   oo  lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Waxaanay  ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado wada jirna wax looga wada qabto ka hor tagga geerida hooyada uurka leh gaar ahaan xiliga dhalmada oo ay tilmaantay in  guud ahaan qaarada Afrika ay ku baraarugtay lana doonayo in si wada jir ah  looga hor tago.
 
“Dhamaanteen waxaa inala gudboon in aynu  u wada guntano oo aynu is- garabtaagno Wasaarada Caafimaadka iyo hawl wadeenada caafimaadka oo mar walba  u heegan ah in ay ka hor tagaan geerida umusha ama xiliga dhalmada ku timaada hooyada,anna waxaan ballan qaadayaa in aanan waxba kala hadhin oo aan hiil iyo hooba la garab taaganahay bad-baadinta hooyada,  waxaanan caddaynayaa mar labaad aniga iyo inta aanu asxaabta nahayba in aanu wasaaradda caafimaadka ku garab taaganahay sidii wax looga qaban lahaa ka hor tagga geerida hooyada xiliga dhalmada. qarankuna wuu ku baraarugsanyahay waxbana lagala hadhi maayo,”ayay tidhi Marwadda Koowaad.
Marwo Aamina Weris, oo hadalkeeda sii wadatay waxay tidhi “Waxaanu qaranku muhiimadda koowaad siinayaa in aynu helno hooyo wax baratay oo caafimaad qabta,waxaana hubaal ah hooyada oo wax barataa in ay wax weyn ka tarayso ka hor tagga umul aroorka oo marka ay hooyadu  tahay mid wax baratay waxay ku xidhnaanaysaa goobaha caafimaadka,laakiin inta wax baratay imika way kooban  tahay waxaanay ku egtahay magaalooyika waxaana qaran ahaan inagu wada waajib ah in aynu miyi iyo magaalaba iku taagno in aynu hablaha wax barno una kacno badbaadinta hooyada uurka leh iyo ka hor tagga sababaha keena umul aroorka.”
Waxa kale oo ay Marwo Aamina-waris Sheekh Maxamuud Jirde   ka hadashay muhiimada ay leedahay bad baadinta hooyadu  iyo marka la helo hooyo caafimaad qabta in qoys ahaan iyo qaran ahaanba la wada caafimaadayo waxaanay tilmaantay in  yoolka koobaad ee laga duulayaa in uu yahay waxbarasho iyo caafimaad in ay hooyadu hesho Waxaanay tidhi “Waan ognahay  muhiimadda ay hooyadu inagu leedahay oo imika is xasuusin mayno qiimaha ay hooyadu leedahay-na waxaa inagaga filan xuquuqda ay siisay diinteena suuban ee Islaamku. Markaa imika waxaa kaliya ee aynu isku baraarujinaynaa  in aan wada jir wax uga wada qabano geerida Hooyadda gaar ahaan umul-aroorka ama geerida xiliga dhalmada.  ma lihin geeri ayaan baajinaynaa oo dhimashadu waa xaq laakiin waxaan isku baraarujinaynaa in aynu wax ka qabano oo yarayno sababaha keena geerida oo aynu samayno ka hor tag wada jir looga wada qayb qaato. waa nasiib darro in aynu ka mid noqono waddamada ay ugu badantahay geerida hooyadu xiliga dhalmada iyadoo maanta anu joogno duni casri ah oo wax badan laga qaban karo. Ugu dambayn waxaan u mahad naqayaa dhamaan hay’adaha  gacanta ka gaysta ee wasaaradda caafimaadka kala shaqeeya  arrimaha caafimaadka,gaar ahaan ka hortagga dhimashada hooyada uurka leh.”
Faysal Xii Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply