Dawladda Somaliland Oo Mamnuucday In Dalka La Keeno Kalluunka Laga Soo Waarido Dibadda

0
414

Hargaysa(Dawan): Dawladda Somaliland ayaa markii u horaysay  waxay shaaca ka qaaday in ay dalkeedda ka mamnuucday in lagu isticmaalo  kalluunka dalka dibadda uga iman jiray.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badaha  ee Somaliland Cali Jaamac Faarax (Buureed),  oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa  sheegay in la joojiyay dhamaan   Kalluunkii dalka  kaga iman jiray  Dibadda.
Waxa uu tilmaamay in Somaliland uu markii hore Kalluunku uga iman jiray dalal kala duwan sida Soomaaliya, hase yeeshee laga bilaabo maanta in la joojiyay. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maanta (shalay)  laga bilaabo wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Baduhu waxay joojisay in aan dalka Somaliland la keeni karin  Kalluun ka yimid dalka dibadiisa. Markii hore dalka waxaa  la keeni jiray Kalluun laga keeno Xamar Maanta (shalay)  laga bilaabo dalka waanu  ka mamnuucnay.”
 
Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in ay  amar ku siiyeen garoomadda diyaaradaha iyo dekadaha dalka in aan laga soo dejin Karin wax Kalluun ah.  tallaabadaasi oo uu wasiirku ku tilmaamay in ay tahay mid lagu dhiiri gelinayo in dalka  Somaliland lagu isticmaalo Kalluun-kiisa.
 
“Waxaanu dhamaan Amar buuxa siinay Madaaradda dalka iyo dekadaha,  si aanay Kalluun dalka u  soo gelin, haddii aanu nahay wasaaradda  Kalluumaysiga waxaanu dhiiri gelinaynaa in dalka  Somaliland lagu isticmaalo Kalluun-kiisa” ayuu yidhi wasiirka Kalluumaysigu.
 
 
Dhinaca kale Wasiir Buureed, ayaa ugu baaqay Kalluumaysatadda dalka in ay jabiyaan qiimaha ay ku iibiyaan Kalluunka. Waxaanu yidhi  “Waxaan  ku war-gelinayaa dhamaanba Kalluumaysatadda dalkan  Somaliland in ay Jabiyaan qiimaha  Kalluunka   oo ay dadka  ka haqab-tiraan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply