Faransiiska oo Aqoonsaday Laba Nin oo ka soo Muuqday Fiidiyowg IS Baahisay

0
439

Dowladda faransiiska ayaa xajiisay in nin labaad oo u dhashay dalkeeda uu ka soo muuqday fidiyowga kooxda IS ay ku muujiyeen maxaabiis Suuriyaan ah iyo laheestayaal Mareykan ah oo gurka laga jarayo.
Ugu yaraan laba nin oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa la ogaaday haatan in ay ka mid yihiin dagaalyahanada kooxda Daacish ee kasoo muuqday muuqaal fiidiyow ah.
Warbaahinta Faransiiska, ayaa kasoo xigatay illo lagu kalsoonaan karo oo aan la shaacin sida ay sheegeen in ninka uu yahay 22 sano jir, kana soo jeedo magaalada Paris.
Xili hore ayay dowladdu sheegtay magaca ninka Maxime Hauchard , oo kasoo jeedo Normandy, in uu ka mid ahaa raggii kasoo muuqday fidiyowga , fidiyowgaas oo la sii daayay dhammaadkii toddobaadkaan.
Madaxweynaha faransiiska Francois Hollande, oo booqanayay caasimada dalka Australia ee Canberra, maalinamadii arbacada ayaa u sheegay warbaahinta in “ laba muwaadiin oo faransiis ah ay ku jireen fiidiyowgii ugu danbeeyay ee kooxda IS, mid ka mid ah ayaa la aqoonsaday kan kalana waxaa ku socda baadhitaano lagu ogaanayo,” ayuu yidhi.
Ku dhawaad kun mujaahidiin ah ayaa la rumeysanyahay in ay Suuriya uga talaabeen Ciraaq.
Walaac ku aadan in muwaadiniin reer Faransiis ah ay ku lug leeyihiin dagaalada bariga dhexe ayaa isa soo tarayay, kaddib markii nin hubeysan uu weeraray horaantii sanadkan matxaf Israa’il ku leedahay Brussels.
Weerarkaa oo ay ku dhinteen 4 qof , ayaa waxaa fuliyay 29 sano jir lagu magacaabo Mehdi Nemmouche, oo ahaa muwaadin faransiis ah kaas oo kasoo dagaalamay jihaadka Suuriya.
 
 
 

Leave a Reply