“Somaliland Kama Qayb-gelayso Shirka Soomaaliya Loogu Qabanayo Denmark, Markii aan Nala Siin Waayay Meeqaam la mid ah ka Soomaaliya”

0
410

Hargeysa (DAWAN)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay sababaha ay uga qayb-geli weyday shirka caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark, kaasoo si rasmi ah u furmay shalay.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland shalay, ayaa lagu sheegay inay dawlad ahaan soo dhawaynayaan dedaalada beesha caalamku ku taageerayso Soomaaliya, balse loo baahan yahay in marka shirarkaas oo kale la qabanayo in Somaliland loogu martiqaado si la mid ah meeqaamka la siiyo Soomaaliya, maadaama aanay Somaliland ka mid ahayn maamul-goboleedyada ka jira Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkaas oo luuqadda Ingiriisiga ku qornaa, oo aannu Afsoomaali u beddelnay waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:-
“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay jeceshahay inay ku ammaanto dawladda Denmark martigelinta shirka Soomaaliya (the Ministerial High Level Partnership Forum on the Somali Compact) ee ka dhacaya magaalada Copenhagen 19 ilaa 20 November, kaasoo ah madal muhiim ah oo dib loogu eegayo horumarka laga gaadhay qorshaha loo dhigay Soomaaliya (Somali Compact) iyo qaybta gaar ah ee loo qorsheeyey Somaliland (Somaliland Special Arrangement).
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay taageero u haysaa dedaal kasta oo lagu kobcinayo nabadgelyada, dhismaha dawladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha ee mandaqada dalalka Geeska Afrika, waxaanna Somaliland lagu tilmaamaa inay tahay goob rajo ah oo ku dhex taal gobol dhibaatooyin hadheeyeen, iyadoo la fahansan yahay in nabadgelyada iyo xasiloonida joogtada ah ee ka jirta Somaliland ay muhiim u yihiin  dadkeeda, Gobolka Geeska Afrika oo dhan iyo guud ahaan bulshooyinka adduunka ku dhaqan.
Dalalka Denmark iyo UK waxay si dhaw ugala shaqeeyeen Somaliland abuuritaanka sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund), kaasoo ah dhaqaale taageero ah oo la soo marinayo dawladda, isla markaana ay ku biireen dalalka Norway iyo Holland (Netherlands). Waxa Somaliland ku dhiirigelinaysaa xulafadeeda caalamiga ah inay taageeradooda dhaqaale u adeegsadaan hannaanka lagu horumarinayo nidaamkeeda maaliyadeed.
Dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland, ururrada bulshada rayidka ah iyo xulafadeeda caalamiga ah waxay magaalada Hargeysa ku qabteen madal heerkeedu sareeyo oo ahayd iskaashiga gargaarka (High Level Aid Coordination Forum), kaasoo ahaa kii toddobaad oo Hargeysa lagu qabtay horaantii bishan, iyadoo si wada jir ah loo taageeray warbixinta sannadlaha ah ee sannadka 2014 ee Somaliland oo ku salaysan hannaanka gaarka ah ee loo qoondeeyey Somaliland (Somaliland Special Arrangement), waxaanna madashaasi ku salaysnayn hannaan Somaliland leedahay oo  dib-u-eegis, qorshayn, kormeerid iyo hirgelin loogu sameeyey hannaanka u gaarka ah Somaliland (Somaliland Special Arrangement).
Nasiib-darro, Jamhuuriyadda Somaliland kama qaybgelayso shirka Soomaaliya loogu qabanayo Denmark,  kadib markii aan Somaliland la siin meeqaam la mid ah ka la siiyey dawladda Federaalka Soomaaliya, hasa yeeshee, Somaliland waxay ku rajo-weyn tahay in beesha caalamku ku dhaqanto, una hoggaansanto heshiiskii cahdiga Cusub (The New Deal) ee ahaa in laga fogaado waxyeelada iyo xaasaasiyada khilaafka oo ay isku dayaan sidii loo abuuri lahaa dariiq lagu dammaanad qaadayo in Somaliland la siinayo fursado ay kaga qaybgeli karto shirarka mustaqbalka lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya si looga warbixiyo hannaanka u gaarka ah ama loo qoondeeyey Somaliland (Somaliland Special Arrangement), kaasoo ah mid kelidii ah oo ka madaxbannaan ka Soomaaliya (Somali Compact), kaasoo leh  habkiisa warbixineed (ee Somaliland). Waxa jira casharo ama duruus badan oo laga baranayo  guulaha iyo horumarka wax-ku-oolka ah ee Somaliland muujisay ee la xidhiidha nabadgelyada iyo dhismaha dawladnimada salka hoose laga bilaabay ee joogtada noqday 23-kii sanno ee la soo dhaafay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu tilmaamay in sida ay hore u muujiyeen madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, waxa dawladda Somaliland raadinaysaa, isla markaana doonaysaa in la xoojiyo hannaanka wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaasoo xilligan dalka Turkigu martigeliyo si loo abuuro goob labada dal ku xalliyaan waxyaabaha ay isku hayaan, tanina waa wixii lagu heshiiyey shirkii Soomaalida ee magaalada London ka dhacay sannadkii 2012, kaasoo dhinacyada oo dhan ka qaybgaleen oo ay  ku jiraan beesha caalamka. Ujeeddada ugu weyna waxay tahay in Somaliland iyo Soomaaliya heshiis ka gaadhaan xidhiidhkooda mustaqbalku sida uu ku dambayn doono, iyadoo arrimaha la isla soo qaaday ay ku jirtay sida Somaliland uga qaybgeli karto shirarka caalamiga ah ee khuseeya iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin shirarka arrimaha dalalka Geeska Afrika oo Soomaaliya ku jirto.
Waxa Somaliland rajaynaysaa in beesha caalamku door dheeraad ah oo muuqda, wax-ku-oolna ah ku yeelato taageerada hannaankan, kaasoo ay u tixgelinayso inuu yahay mid muhiim u ah kobcinta mustaqbalka ee nabadgelyada, degannaanshaha iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika, iyadoo sidoo kale marka la eego qorshaha hiigsiga cusub (New Deal) oo ay beesha caalamku goob-joog ka tahay dhinacyada oo dhan si isku mid ah loola xisaabtamo, kaasoo ku salaysan warbixin joogto ah oo lagu eegayo horumarka wadahadalka, laguna dammaanad qaadayo in heshiisyada la gaadho xilliyada wadahadalka la xushmeeyo.
Waxa kaloo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ugu baaqay maalgashadayaasha caalamiga ah inay si joogto ah u yimaadaan Somaliland si ay xog-ogaal ugu noqdaan xaaladda iyo horumarka ka socda dalka, isla markaana uu diyaar u yahay inuu wakiilladooda ku qaabilo Hargeysa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply