Suldaan Oo Xisbiyada Mucaaradka Ku Dhaliilay Bannan-baxii Khasaaraha Keenay

0
401

Boorama (Dawan)-  Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah Salaadiinta caanka ah ee Somaliland  ayaa farriin adag u diray  Salaadiinta iyo Madax dhaqameedyada kala duwan ee reer Somaliland, kuwaas oo uu uga  digay in   Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada mucaaridka ahi ku shaqaystaan, una adeegsadaan bur burinta nabadgelyada iyo waxyeelaynta qaranimada Jamhuuriyada Somaliland.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, kaas oo uu kaga hadlay arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin ismaan dhaafka u dhexeeya Mudaneyaasha Golaha Wakiilada iyo banaan baxyadii khasaaraha dhimashada iyo dhaawacaba leh  sababay ee ay taageerayaasha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI todobaadkan ka sameeyeen magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.  Banaan baxyadaas oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen kuwo aan  loo baahnayn,  oo aanay cidnaba wax dan iyo faa’iido ahi ugu jirin, balse ay ka dhasheen oo keliya  in  dhibaatooyin faro badan oo naf iyo maalba lihi  soo gaadhaan   dadweynihii  shacbiga ahaa  ee ku dhaqnaa labadaas magaalo.
Suldaanku waxa kale oo uu intaas raaciyey digniin uu u jeediyey xisbiyada mucaaridka ah iyo hoggaamiyeyaashooda, gaar ahaan xisbiga WADDANI, oo uu uga digay in aanay abaabulin banaab baxyo iyo mudaharaadyo aanay   hadhaw xakamayn karaynin. Sidoo kalena Salaadiinta iyo Madax dhaqameedyada ayaa waxa uu u soo jeediyey in ay dhex ka ahaadaan oo aanay ka qayb qaadan muranka iyo khilaafyada kala duwan ee u dhexeeya siyaasiyiinta iyo asxaabta siyaasada.
Suldaanku isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Salaadiinta iyo   Madaxdhaqameedyada kaleba waxaan uga digayaa oo aan leeyahay waar yaanay siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaridka ahi idinku shaqaysan, oo weliba yaanay idiin adeegsanin waxyaabaha keeni kara in ay  wiiqmaan  ama bur buraan  nabadgelyada iyo  dawladnimada aynu maanta haysanaa. Waxa kale oo aan leeyahay Salaadiintaay idinku dadka iyo xisbiyadaba waad u dhaxaysaan, oo kuligoodba Salaadiin baad u tihiin, markaa hadaad adiga oo Suldaan ah xisbi keliya u hadashid xisbiyadii kale ayaad ka tegaysaa, hadaad siyaasiyiinta midkood  soo raacdid oo la soo safatidna, dee intoodii kale ayaad ka hiilisay oo aad lumisay, sidaas darteed ma aha inay Salaadiintu isa soo qadimaan oo ay muranka iyo dhibaatada qayb ka noqdaan, ee waa inay dhex ahaadaan oo ay weliba wanaaga iyo nabadgelyada ka shaqeeyaan”.
Dhinaca kalena Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar waxa uu shirkiisaa jaraa’id  dhaliil adag ugu soo  jeediyey xisbiyada mucaaradka ah  oo uu sheegay in qaarkood ay u dhaqmayaan qaab khaldan  isla markaana ay doonayaan in ay kursiga iyo xukunka ku gaadhaan qabyaalad, reernimo  iyo qalalaase ay dalka ka ridaan. Taasina ay tahay wax beri hore laga soo gudbay, oo aanay suurto-gal ahayn in cidina ay maanta xukun iyo madaxnimo ku gaadho.
“Xisbiyada mucaaridka ah qaarkood waxa la moodaa in ay u dhaqmayaan qaab khaldan oo aad u xun, waayo waxay doonayaan in ay xukunka iyo madaxtinimada dalka ku gaadhaan qabyaalad, reernimo iyo in ay dalka qalalaase iyo xasilooni darro ka sameeyaan, taasina maanta suurto-gal ma aha cid xukun iyo madaxnimo ku gaadhi kartaana ma jirto, markaa  waxaan leeyahay  waar xisbigoow xisbi  qaran baad tahay , oo waxaad doonaysaa inaad dalka hogaamisid oo ay ummadu ku doorato’e barnaamijkaaga iyo wixii lagugu dooran lahaa soo bandhig oo dadka ku qanci, laakiin ma aha inaad reernimo iyo qabyaalad wax ku doontid, oo aad  tolaayeey iyo  reer hebeloow ka soo kacaay ku dhawaaqdid. Waxa kale oo khalad ah inaad ku baaqdid oo aad abaabushid mudaharaadyo aanad hadhoow dhibaatadooda xakamayn karin, oo bur bur iyo nabadgelyo darro keeni kara, waayo nabadu inaga ayay dan inoo wada tahay, ilaalinteeduna waa inagu waajib dhamaanteenba. Mudaharaadyadii maalintii dhoweyd dhacayna dib u dhac weyn bay dal ahaan iyo dad ahaanba inagu keeneen, aad-na  waan uga xumahay  khasaarihii ay ummadda ku keeneen ee dhimashada, dhaawaca iyo bur burka hantiyeedba lahaa. Dadkii ay sida gaarka ah dhibaatadu uga soo gaadhay ee qaarkood ku naf waayeen, qaarkoodna ku dhaawacmeen qoysaskoodii iyo shacbiga oo dhana waan ka tacsiyaynayaa. Kuwii mudaharaadkaas  ka dambeeyey, ku baaqay, kuwii abaabulayna waxaan leeyahay waar wax ku qaata oo yaanay dib dambe u dhicin inaad ku baaqdaan mudaharaadyo noocaas oo kale ah oo aydaan xakamayn karin, waxna ka qaban karin”.
Suldaan Ibraahim  waxa uu sidoo kale kala  hadlay  xukuumada Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo) waxaanu yidhi “Xukuumadda  waxaan  leeyahay waa lagu soo doortay, oo xilka ummada ayaa idiin dhiibatay, waxa loo baahanyahay inaad samaysaan  dulqaad ,waa aabihii dalka ,inanka yari haddii u rabshad sameeyo waa inay waaniso ,amniga dalkana cidi idinkuma  faragelin karto ,kii ku qabsadaana  wuu ka gardaranyahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply