“Waxaanu u digaynaa cid kasta oo isku dayda inay idaacaddo sharci-darro ah soo qaadato”

0
637

Hargeysa, (Dawan)- Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-yare ayaa uga digay dadka ku hawlan inay dalka keenaan idaacado sharci-darro ah, isagoo ciidanka booliskana ku ammaanay hawl-galkii ay kusoo qabteen idaacad muddooyinkii u dambeeyay si qarsoodi ah looga maqlayay Hargeysa.
Badhasaabka oo shalay xafiiskiiska kula hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan nabadgelyadooda, kana feejignaadaan cid kasta oo isku dayda inay fadqalalo ka dhex abuurto.
Maxamed Maxamuud Jeeniyare waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ku dedaalayaan ilaalilnta nabadgelyada, isla markaana ay la shaanayaan shacabka, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa ciidanka booliska, iyadoo aan ku ammaanayo idaacad sharci-darro ah oo aynu ku tilmaami karno inay ahayd qaran-dumis oo ay ku hawlanaayeen muddooyinkii u dambeeyay, isla markaana ay qabteen.”
Badhasaabka oo digniin u diray dadka ku hawlan waxyaabaha nabadgelyada-darrada abuura waxa uu yidhi, “Waxaanu mar labaad iyo mar saddexaadba ka digaynaa cidda isku dayda inay qaranka kusoo duusho ee noo soo qaadata idaacado sharci-darro ah oo ay damacdo inay bulshada ku qalado, waxaanu leenahay waxba ku yeeli maysaan oo shacabku way feejigan yihiin oo qarannimadooda  way yaqaanaan, dedaal badanna way ugu jiraan, wayna ilaaashan doonaan. Annaguna xukuumad ahaan waanu dedaali doonaa.
Ugu dambayn Maxamed Maxamuud Jeeni-yare waxa uu tilmaamay in hanaanka nabadgelyo ee ka hana-qaaday Somaliland ay isu kaashadeen xukuumadda iyo shacbigeedu. “Baryahan dambe waxaynu maqlaynay buuq iyo dad aan qarankan dan u haynin, waad ogtihiin Xamar waxa ka jira, saxaafadda habeen kasta suuqaa lagu dillaa, dalkeenana waxaasi kama jiraan waxaynu ku gaadhnayna waa nabadgelyo iyo shacabka oo nabadda raba iyo xukuumadda oo habeen iyo maalinba nabadgelyada usoo jeeda.” ayuu yidhi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply