Xukuumadda Oo Bilowday Daraasad Lagu Qiimaynayo Tiradda Gaadiidka ay Isticmaasho iyo Kharashaadka Ku Baxa

0
437

Hargeysa (DAWAN):Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi Baadhista Somaliland, ayaa maanta bilawday Daraasad lagu eegayay tiradda Gaadiidka dawladdu adeegsato iyo Kharashaadka ku baxa.
wasaaradda ayaa koox samaynaysa Cilmi baadhista u xilsaartay,taasi oo maalmaha soo socda tiro koobi doona gaadiidka Hay’addaha dawladdu isticmaasho ee Caasimada.
Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Cali Xaamud Jibriil, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay In muhiimada Cilmi Baadhistani tahay sidii loo ogaan lahaa Xadiga lacageed ee Gaadiidka dawladda ku baxda,  qaybta ay ka qaataan Saxmadda   iyo cidhiidhiga jidadka iyo in la helo dariiqyo ka sahlan oo lagu dhimo dhaqaalaha ku baxaya.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Cilmi Baadhistan aanu maanta bilawnay waxay leedahay saddex u jeedo, koow waa  in aynu ogaano tiradda gaadiidka dawladdu isticmaasho, ama Basaska ha ahaato ama  gaadiidka yaryar ee ay ku yimaadaan shaqadda ama  Baabuurta dawladda ee GT-da ah ee Hay’addaha dawladdu Caasimada ku isticmaalaan. Arrinta labaad oo ah in aynu ogaano  gaadiidkan badan ee dawladdu isticmaalayso qiimaha ay inoogu taagan yihiin, sida Shiidaalka, Derawaladda wada iyo guud ahaan qiimaha ay inoogu taagan yihiin  iyo sida ay Saamayn ugu leeyihiin Saxmadda iyo Cidhiidhiga jidadka  iyo Xaddiga ay ku darsadaan Wasakhaynta Hawadda”.
Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in ka dib marka ay dhamaato cilmi baadhista ay bilaabeen in natiijadda ka soo baxda looga gudbi doona qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo arrimaha.
 
“Arrinta Saddexaadna waxa weeye Najiidda ka soo baxda Baadhistan inay noqoto Xaaladda iyo tallooyinka laga bixinayo oo dawladda la yidhaahdo talaabadan tanaa ka fiican, tusaale ahaan haddii Shidaalka Baabuurta,Soo iibintooda iyo kharashaadkoodu uu Malaayiin ku kaco oo aynu helno hanaan kale oo ka sahlan oo Baabuurta basaska ahi Shaqaalaha soo wada guraan qaabkaasina ku kaco 5 Boqol dee Lacagtaas dheeriga ah meel ka haboon ayaynu ku buuxinaynaa” ayuu yidhi Cali Xaamud.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply