Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Dadkii Ku Geeriyooday Guri Ku Yaala Sucuudiga

0
445

 
 

Hargeysa-(DAWAN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa, Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya madaxweynuhu  shilkii naxdinta lahaa ee ka dhacay Sucuudi Arabiya gaar ahaan qaybta la yidhaahdo Tugba oo uu Guri ku gubtay dhalinyaro reer Somaliland ah, kuna geeriyoodeen 5 Ruux halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale 21/11/2014 laguna aasay jimcihii sucuudi arabiya.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumiintaasi ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo Imaan ka siiyo.
Inta Dhaawaca ahna waxa uu madaxweynuhu  Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Dawan News
Hargeisa Somaliland

Leave a Reply