Somaliland Oo Ka Hadashay Qoddobadii ay u Gudbisay Shirkii Lagu Soo Gabo-gabeeyay Copenhagen

0
574

Hargaysa (Dawan): Somaliland ayaa ka hadashay sida ay u aragto Qoddobada   ka soo baxay shirkii  Hiigsiga cusub  oo Khamiistii lagu soo gebagabeeyay magaaladda Copenhagen ee dalka Denmark, iyadoo shirkaasi laga soo saaray war murtiyeed ka koobnaa 24 qodob.
Wasiirka qorsheynta qaranka iyo horumarinta ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo xalay u waramay DAWAN, ayaa sheegay in ay shirkaasi u gudbiyeen warbixin ka  koobnayd shan qodob oo ka  hadlaysay    qorshahoodda.
 
Dr. Sacad, waxa uu tilmaamay in shirkaasi lagu qiimeeyay dal  kastaaba horumarka uu sameeyay, isla markaana warbixinta ay u gudbiyeen inay ku cadeeyeen  kuna muujiyeen horumarka  ay Somaliland ku talaabsatay iyo sida ay uga go’an tahay in ay sii wadaan geedi socodka dhinacyada horumarka iyo dimuqraadiyadda.
isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Somaliland waxay geysay shirkaasi qorshaheedda iyo warbixinteedii, sida ay Soomaaliyaba u gaysay, warbixin aad u wanaagsan oo si fiican looga shaqeeyay, oo ka koobnaa shantii qodob ee ahaa waxa la yidhahdo, himilooyinka nabadda iyo dhismaha qaranka, sida  Wadaagga siyaasadda, Nabadda, Cadaaladda, Dhaqaalaha iyo Adeega bulshadda. Somaliland runtii waxay samaysay horumar, waxaana la eegayay oo  la qiimaynayay cid waliba horumarka ay samaysay, waxaanan muujinay in aynu samaynay horumar aanu ku cadaynay qoraalkii aanu shirka u gudbinay, dedaal badan ayaanu muujinay iyo inay naga go’an tahay in aynu geedi socodkeena u wadno xagga horumarka iyo dimuqraadiyada”.
 
Waxa kale oo xusay Dr. Sacad   inkasta  oo   aanan  war murtiyeedkii shirkaasi gebagebadiisa laga soo saaray  qodob keliya lagaga hadlay ama uu khuseeyay Somaliland  hase yeeshee  madaxdii khudbadaha ka jeedisay ay ka hadleen,  in waxyaabihii shirkaasi lagu soo qaaday ee dhinaca Somaliland ku saabsanaa ay ka mid ahaayeen  sidii loo sii wadi lahaa  wada hadaladdii  u socday Somaliland iyo Soomaaliland, oo uu sheegay wasiirku  in ay dawlad ahaan dhawr jeer ku adkeeyeen  beesha caalamka  in loo baahan yahay sii wadida wadahadaladaasi una arkaan inay Somaliland   dan aad u weyni ugu jirto.
“Meel  keliya ayay Somaliland kaga xuseen.   laakiin waxaa jira hadaladoodii marka la eego waxay ka hadleen sii anba qaadka wada hadaladii inoo socday Soomaaliya, oo runtii dawlad ahaan aanu dhawr jeer ku adkaynay, waayo inaga ayay dani inoogu jirtaa, oo waa halka keliya ee aynu ku simanahay, waayo waxaynu doonaynaa ictiraafka ka hor in aynu meel marino, mabda’a ah laba wadan, inaga ictiraafkeenana waxaa fure u ah in aynu nahay wadan jira, waxaanay yidhaahdeen waa in la dardargeliyo wada hadaladii”ayuu yidhi Dr. Sacad.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in sidoo kale shirkaasi intii uu socday lagaga hadlay sidii loo hirgelin lahaa saddex sanduuq oo dhinaca horumarinta ah oo ay Somaliland leedahay kuwaasi oo ka mid ahaa waxyaabihii shirkii kal hore lagu hesiiyay.
Waxaanu yidhi “Waxyaabaha uu shirku ku saabsanaa waxa ka mid ah in la dardargeliyo lana  sameeyo sanduuqyaddii lagu heshiiyay kal  hore, waxaana la sameeyay saddex sanduuq oo la mid ah sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo Somaliland loo sameeyay mid waxaa gacanta ku haya UN-ka, midna waxaa gacanta ku haya  Baanka horumarinta Afrika, midka kalena Baanka Adduunka. Markaa qoladda Soomaaliya ee Xamar ka timid aad ayay uga cawdeen gaabiska  soo shubinta lacagta iyo bilawga mashaariicda,   waxyaabaha laga hadlayna waxaa ka mid ahayd sidii loo dedejin lahaa helitaanka lacagahaasi, Somaliland-na lacagahaasi ayuun bay wax ku leedahay”.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay wasiirku in  madaxdii ka socotay Soomaaliya ee s hirkaasi ka qaybgalay si aad ah loogu canaantay waxyaabihii laga filayay inay hirgeliyaan oo aanay waxba ka qaban sida dhinacyadda siyaasadda, nabadgelyadda iyo maamulka.
“Inkasta oo aanad qoraalka shirka laga soo saray ka arkaynin, hadana canaan aad u badan ayaa loo soo jeediyay  qoladda Soomaaliya, halkii laga filayay in ay kal hore gadhaan  iyo halka ay imika joogaan ayaa aad u kala fog, haddii ay noqoto xagga siyaasadda, maamulka, nabadgelyada iyo arrimo kale oo badan”ayuu yidhi Wasiirku.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply