Xukuumadda Oo Tahriibeyaashii Ugu Badnaa ku Wareejisay Itoobiya

0
474

Wajaale (Dawan): Dawladda Somaliland ayaa tahriibeyaashii ugu tiradda badnaa  ku wareejisay dawladda Federaalka ee Itoobiya, kuwaas oo dhamaantoodba u dhashay Itoobiya.
Tahriibeyaashani oo ay tiradoodu dhamayd 162 qof ayaa waxaa shalay gelinkii danbe ku wareejiyay  dawladda Itoobiya  taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland gaashaanle sare Maxamed Cali  Yuusuf, iyadoo ay kulak ala wareegeen  magaaladda Wajaale ee ku taalla xadka u dhexeeya labadda dal.
Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf,  oo telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, ka dib markii  uu tahreebeyaashaasi ku wareejiyay Itoobiya, isaga oo joogay Wajaale ayaa noo xaqiijiyay inay shalay si rasmi ah ciidamadda booliska ee federaalka Itoobiya ugu wareejiyeen tahriibeyaashaasi, kuwaasi oo uu sheegay in ay dhawaan ciidamadda booliska  iyo kuwa laanta socdaalka ee Somaliland ka soo qabteen agagaarka magaalooyinka Hargeysa iyo Faro-weyne.
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Tahriibeyaashaasi waanu ku wareejinay Itoobiya, waxaanay tiradoodu dhamayd 162 qof, oo kala ahaa 65 Oromo ah, 62 Axmaaro ah iyo  35 Tigreey ah. waxaanu ka qabanay agagaarka Hargeysa iyo Dararweyne  ayay booliska iyo laanta socdaalka oo iskaashanayaa ka soo qabteen, markaa booliska ayaa  nagu soo wareejiyay, anaguna waxaanu ku wareejinay ciidanka booliska ee Itoobiya, maanta (shalay) ayaanu  wareejinay saacad ka hor ayaanay ahayd,  imika Wajaale ayaan ku suganahay. Waxaanu ka wareejinay ciidanka booliska ee federaalka Itoobiya”.
 
 
Taliyaha laanta socdaalka Waxa uu tilmaamay  in uu jiro heshiis ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya  oo sheegaya  in  la isku celiyo tahriibeyaasha iyo wixii sharci darro ku soo gudba. “Wuu jiraa heshiis iskaashi oo ka dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland oo sheegaya isku celinta tahriibeyaasha iyo wax alla wixii sharci darro ku talaabaya, heshiisyo ayaa ka yaala” ayuu yidhi Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf.
Waxa kale oo uu sheegay in  labadii maalmood ee u danbeeyay  uu  socdaal ku soo maray magaalooyinka ku teedsan soohdinta u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya ee gobolada Maroodi Jeex, Gabiley iyo Awdal isagoo dhinaca kalena dhagax dhigay xarumaha ay ciidanka laanta socdaalku ku yeelan doonaan magaalooyinka Faro-weyne iyo Allaybaday. waxaanu yidhi “Waxaan kormeer ku soo maray magaalooyinka xadka ku teedsan, shalay Khamiistii (doraad) ayaan ka soo baxay Hargeysa Far-weyne, Allaybaday, Geed balaadh, Goroyo-cawl ilaa Boorama ayaan soo maray, waxaanay ujeedadda kormeerkaasi ahayd sidii wax looga qaban lahaa  la dagaalanka tahriibka iyo dadka sharci darrada ku soo gelaya dalka iyo sidoo kale  dhalinyarada reer Somaliland  ee  tahriibaya labadaba”.
Gaashaanle Maxamed Cali Yuusuf oo la waydiiyay in tahriibeyaasha  u dhashay Itoobiya oo keliya ay dib u celiyaan iyo in cid kasta oo si sharci darro ah dalka ku soo gasha ay dalalkoodii dib ugu celiyaan, waxa uu ku jawaabay  “Maya, Itoobiyaanka oo keliya ma celino, ee qolo kastaaba dalkii ay ka yimaadeen ayaa lagu celiyaa, qofna dal aanu u dhalan looma masdaafurin karo” ayuu yidhi taliyaha laanta socdaalku.
Dhinaca kale Maxamed Cali Yuusuf ayaa digniin adag u diray gaadiidlayda qaada  ama sida sharci daradda ah dalka ku soo geliya tahriibeyaasha, waxaanu  sheegay in cidii lagu qabto  arrintaasi ay maxkamad la tiigsan doonaan.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply