Maamulka Sanaag iyo Madaxdhaqameedka Ceeryaan Oo Soo Afjaray Dilal Soo Taxnaa 17 Sanno

0
439

Ceeryaan(Dawan):- Maamulka Gobolka Sanaag,  ka degmada Ceerigaabo iyo madax-dhaqameedka deegaanka,ayaa  soo af-jaray isla markaana wada jir u dhameeyay xiisad colaadeed  oo ay sababeen dilal hore uga dhacay magaalada Ceeryaan  oo ka tirsan degmada Ceerigaabo ee gobolka  Sanaag.
Munaasibad lagu qabtay magaalada Ceeryaan oo ay ka qayb galeen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag,Maayar ku-xigeenka degmada Ceerigaabo,Taliyaha Qaybta booliska gobolka Sanaag iyo madaxdhaqameedka deegaanka Ceeraan,ayaa shalay lagaga dhawaaqay go’aamo nabadeed  ee la isla qaatay iyo tallaabooyinka laga qaadayo cid kasta oo u hoggaansami weyda heshiiska nabadda  ee laga gaadhay dilalkii   soo taxnaa ugu yaraan 17 sanno.
 
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax) oo ugu horrayn ka hadlay munaasibada lagu soo af-jarayay xiisad colaadeed oo ka dhalatay shan dil oo hore uga dhacay deegaanka Ceeryaan,ayaa sheegay in ay hawshaasi si wanaagsan u dhamaatay isla markaana lagu kala bogsaday oo laga wada heshiiyay dilalkii hore deegaankaa uga dhacay,waxaanu intaa ku daray in  ay tallaabo dawladdu ka qaadi doonto cid kasta oo isku dayda in ay ay nabad gelyada wax yeelayso.
“Ciddii ay khusaynaysay ee odayaasha u ahaa ee jufada iyo dhaqanka u ahaa kuli waanu iska wada aragnay waanan isla wada qaadanay go,aamadaasina sidooda ayay u wada fulayaan,  mana aha qaar aanu cid ka baryayno,  mana aha qaar cidi naga daba hadlayso, sidaa waxaan u sheegayaa dhalinyarada  iyo haweenka imikaba ciddii hadhaw odhan doonta maanaan ogayn ama nalooma sheegin sidaa ha u ogaadaan,”ayuu yidhi Badhasaab Ramaax.
 
Guddoomiyaha Gobolka Sanaag  mar uu ka hadlayay shaqaaqada ay soo af-jareen muddada ay soo taxnayd wuxuu yidhi. “Go’aamadani maaha qaar la iskaga dhawaaqo oo  fadhiid noqda, waa qaar dhamaantood sidooda u wada fuli doona. waxaana lagaga heshiiyay oo lagu soo af-jaray dilalkii halkan ka dhacay oo ay qaarkood dheceen 17 sano ka hor, waxaana imika loo gudbayaa sidii dhaqanku ahaa ee wixii la isku xukumay loo kala qaadan lahaa waana in  sidaa lagu kala bogsado oo aan waxba la isku raacin ciddii u hoggaansami wadayna  tallaabo ayay dawladdu ka qaadi doontaa.”
 
Maayar ku-xigeenka Degmada Ceerigaabo Saalax Ismaaciil Cabbaase oo isna halkaa ka hadlay ayaa bulshada ku waaniyay muhiimadda a nabadu  u leedahay aadamaha iyo sida ay waajibka u tahay in la wada ilaashado. “Nabaddu waa qaali haddii aanay nabadi jirinna la wada noolaan maayo,  shalay ayay ahayd markii aynu toggan  labadadiisa qar  ku kala jirnay,colaad iyo nabad mid kastaana waxay leedahay waynu ognahay iskuna sheegi mayno, waxaanan ku tallo-galaynaa reer Ceeryaanoow in aynu gacmaha is qabsanno oo shantii dil ee  deegaanka ka dhacay sidaa looga wada heshiiyay ha  looga wada bogsado.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sanaag Gaashaanle Xasan Ismaaciil Yuusuf(Gacmaare) oo isna munaasibada nabadaynta ah ee magaalada Ceeryaan ka hadlay ayaa sheegay in maanta laga bilaabo aanay dhici doonin in dambiile nabada carqalad u geysanaya  oo boolisku  tallaabo  ka qaaday in sharciga la marin waayo waxaanu ku baraarujiyay in ay booliska gacan ku siiyaan tallaabo kasta oo ammaanka lagu adkaynayo.
“Salaadiinta’ Cuqaasha waxaan laga bilaabo maanta idinku war galinayaa  nagama daba iman doontaan isuguna ma iman doono qof qof kale xabad ku riday’ama ku handaday oo nabad geladiisa iyo noloshiisa khatar galiyay,”ayuu yidhi Taliyuhu.
Dhinaca kale madaxdhaqameedkii  munaaibada ka qab galay,ayaa Xukuumadda Somaliland ku ammaanay doorka ay ka qaadatay soo af-jaridda colaaddda soo taxnayd ugu yaraan 17 ka sano waxaanay dhankooda caddeeyeen in ay  qaateen kuna wada qanacsan ihiin go’aamada dilalkaa hore laga gaadhay isla markaana ay qaateen nabada lagu wada heshiiyay.
By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply