Afghanistan: Ugu yaraan 45 dhimatay

0
496

Masuuliyiinta Afghanistan ayaa sheegay in qof is qarxiyay uu ku dilay ugu yaraan afartan iyo shan qof, weerarkaasi oo  lagu qaaday tartan ciyaarta gacanta ee bariga waddanka.
Afhayeenka gudoomiyaha gobolka Paktika ayaa sheegay in konton kale ay ku dhaawacmeen qaraxa, markii qof uu isku dhex qarxiyay dadkii daawanayay ciyaarta.
Wuxuu sheegay dadka badankood inay ahaayeen rayad. Boqolaal qof ayaa isugu yimid si ay u daawadaan ciyaartii ugu danbaysay ee gobolada markii qaraxa uu dhacay.
Ilaa hadda qofna ma sheegan qaraxa laakiin Taliban ayay u badan tahay in looga shakisan yahay
 

Leave a Reply