Golaha Wakiiladda Oo Maanta Ansixinaya Komishanka Doorashooyinka

0
354

Hargeysa, (Dawan)-  Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta ay ansixiyaan xubnaha Komishanka doorashooyinka Qaran ee dhawaan la magacaabay, ka dib markii shalay Mudaneyaasha loo qeybiyay ajandaha kal-fadhigan 26-aad.
 
Ajandaha kal-fadhigan ayaa waxa uu ka kooban yahay sagaal qodob, kuwaas oo u dhignaa sidan.

  1. Ansixinta komiishanka Doorashooyinka qaranka.
  2. Warbixinta shirguddoonk,guddida joogta ah iyo guddiyada golaha wakiillada.
  3. Xog’ogaal u noqoshada xaaladda dalka.
  4. Mashaariicda sharci ee golaha.
  5. U yeedhista masuuliyiinta qaranka.
  6. Ansixinta masuuliyiinta qaranka.
  7. Xeererka golaha guurtida kasoo noqda.
  8. Xeerarka madaxwaynaha kasoo noqda ee aanu saxeexin.
  9. iyo wixii kale ee soo kordha.

Qodobbadan uu ka kooban yahay ajandaha kal-fadhiga 26aad ayaa waxa shirgudoonku xildhibaannada u soo jeediyay inay soo naaqishaan, si meel marintiisa cod loogu qaado fadhiyada soo socda.
Jawiga uu ku furmay fadhigan ayaa ahaa mid ka duwanaa kuwii hore, maadaama oo ay xildhibaannada guurtidu ku guulaysteen inay soo af-jaraan xalna u helaan xurguftii siyaasaddeed ee ka dhex taagnayd muddooyinkii u dambeeyay golaha wakiilada Somaliland.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply