Huni Kuni Qabiilo Ka Maarantay Waxbarashada

0
446

Qabiilada lagu magcaabo Huni Kuni ayaa noqotay qabiilada dunida ugu go’doonsan taasi oo aan wax xidhiidh iyo ku dhex noolaansho la lahayn dunida kale. Qabiiladan oo ku nool dhulka Kaymaha roobka badan ee Brasil ayay tiradoodu tahay 5500 qof.  Waxayna ku faanaan qaabkan qadiimiga ah ee ay u nool yihiin.  Qabiiladan ayaan waxbarasho iyo caafimaadka casriga ah u aragta mid aanay baahi u qabin. Waxayna dhinac caafimaadka u adeegsadaan dhaqano iyo dhiro ay iyagu soo kala dhaxleen. Dhaqanka qabiiladan ayaa qof kasta ugu muuqanaya inay yihiin kuow ku nool Duni kale sida ay uga maarmeen dhamaan waxyaabihii nolosha fudadinayay.
 

Leave a Reply