Maxkamadda Bal-gubadle Oo Dil Ku Xukuntay Nin Sumeeyay Qof

0
398

Hargeysa (DAWAN)-Maxkamada Gobolka Hawd,  ayaa shalay  Dil ku xukuntay  Cabdi Aadan Aw Maxamed (Ina Duceeye), oo shan iyo Sodon  jir ah, oo maxkamadu ku heshay  inuu ku sumeeyay Tuuladda Idhanka oo Bali-gubadle hoos timaada Marxuum- Faysal Cismaan Aadan  Liibaan, 29-kii Bishii September ee la soo dhaafay.
Maxkamada Gobolka Hawd Markii ay dhegaysatay Shan markhaati oo  ay Xeer ilaalintu Maxkamada horkeentay  iyo qiraalka  Gacan ku dhiigle  Cabdi Aadan Aw Maxamed Ina Duceeye  uu  qirtay Saddex marag oo Aabihii ku jiro Inuu  Marxuum Faysal Cismaan  Aadan Liibaan  Biyo Sun ugu daray, sidaasina ku dhintay.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ninkaasi ay ku cadaatay dhagarta uu geystay, sidaas darteedna ay ku xukumeen dil toogasho ah, iyagoo u cuskatay xukunkiisa Aayadaha  178 iyo 179 ee Suradda al-baqara,  iyo  Aayadda  93 aad  ee Suuradda   Nisa, Aayada 62-Aad ee Suuradda Furqaan, iyo aayada32aad iyo 45aad  ee Suuradda Maa’id.  Iyo Qodobada 434aad, 305 aad ee Xeerka Ciqaabta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply