Nin Australian Ah Oo Geella U dhaqanaya Sida Somalida, Caanihiisana Iibiya

0
473

Qaar kamida jaaliyada Somalida ee ku dhaqan magaalada Perth galbeedka Australia, ayaa booqday xero lagu xanaaneeyo ama lagu dhaqo Geella oo uu lee yahay nin muwaadin u dhashay dalkaasi Australia oo lagu magacaaboChrist Horal, isla markaana ka soo biisday canaahaasi Geela.
Tvga uversal oo dadkaasi waydiiyay dareenkooda ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in ay arkaan geel islamarkaana iibsadaan caanihiisa, iyagoo tilmaamay in litirka caanaha Geela ay ku iibsanayaan shan iyo labaatan dolar ($25).
“waxaan dareemayaa dhaqankii geela, waxaanan u sheegayaa dadka ku dhaqan magaaladaPerth galbeedka Australia, inay isticmaalaan caanaha geelan caruurtana siiyaan maxaa yeelay caanaha geela waxay  lee yihiin caafimaad badan” sidaasi waxa yidhi Axmed nuur oo kamid ahaa dadkii xeradaasi booqaday.
“Waa Geela caanihiisii waxaan cabayaa oo laga soolisay geelaas, waa markii iigu horeysay oo aan caano geel cabo waxaanay leeyihiin dhadhankii caadiga ahaa geeleenii, waxaanan ku faraxsanahay inaan caano ku dhadhamiyo qurbaha
Christ Horal oo ah ninka Australian  ee xeradan geela ku dhaqada ayaa sheegay in cidkas oo soo bookhaynaysa xeradiisan uu ku soo dhawaynayo gacmo furan, waxaanu timaamay in caanaha geela uu u iibgeey magaalooyinka galbeedka iyo guud ahaan dalka Australia.
Dadwaynaha dalka Australia, ayaa u muuqda kuwa soo fahmaya waxtarka geela uu lee yahay, ka dib iyagoo sanado dhawayd cabasho ka muujin jirey taas sababtay in dowlada dalkaasi ay xasuuqdo geela dalkaasi oo duur jog ahaa.
 

Leave a Reply