Salaadiin Ka Hadlay Furdaaminta Khilaafkii Golaha Wakiiladda

0
547

Hargeysa (Dawan)- Salaadiinta gobolada Togdheer, Saaxil, Sanaag iyo Maroodi Jeex ayaa si diiran u soo dhaweeyay go’aanadii lagu soo af-jaray khilaafkii u dhexeeyay mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland iyo guddoomiye Cirro, ee ay soo saareen guddidii golaha guurtida Somaliland ee maalmahan ba dhexdhexaadinta waday.
Salaadiintan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Ugaas Xuseen Geele Abokor, Suldaan C.raxmaan C.laahi Aw Good, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan iyo Suldaan Mahad Maxamud Xirsi shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa soo dhaweeyay Go’aankaasi Golaha Guurtida.
Salaadiintan oo dhamaantood ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa  Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uga mahadceliyeen Sidii uu u soo dhaweeyay iyo qaabilaadii uu  ugu sameeyay Qasriga Madaxtooyada.  waxaanay Salaadiintani iska daba mareen Sida ay waajib u tahay in la suuliyo wixii Muran ku keenaya dalka.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, oo  ugu horayn isagu halkaasi ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray madxweynaha Somaliland, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “marka ugu horraysa waxaan u mahad celinaynaa madaxweynaha Somaliland ee mawqifkii ku ayiday golaha guurtida, marka labaad waxaan u mahad naqayaa golaha guurtida Somaliland oo sidii loo asaasay u taagnaa in uu ku guntado khilaaf kasta oo soo dhex gala bulshada reer Somaliland iyo xildhibaanada golaha Wakiillada ee iyana aqbalay go’aannadaas.
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar ayaa isaguna shirkaasi jaraa’id hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa ILLAAHAY oo inoo fududeeyay ee inaga dul qaaday dhibtii iyo xaaladdi ina soo martay. Waxaan aad u sii culaysinayaa, noloshu waa nabad-gelyo ayaa la ydihi, waxaan guud ahaan ugu baaqayaa reer Somaliland nabadgelyo, waxaanan leeyahay aynu ilaashano nabadgelyadeena.”
 
 
Sidoo kale, Dadwaynaha kala duwan ee ku dhaqan magaalooyinka Berbera, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Hargeysa, ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay xal u helida khilaafkii muddooyinkii u dambeeyay ka dhex aloosnaa xildhibaanada golaha Baarlamaanka Somalialnd.
Qaar ka mid ah waxgaradka, waayeelka, dhalinyarada iyo haweenka ku dhaqan magaalooyinka waawayn eee dalka oo siyaabo kala dawan ula hadlay saxaafadda ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray odayaasha golaha guurtida Somaliland ee waanwaanta iyo maslaxadda ka dhexwaday golahaasi wakiillada,  iyaga oo ku amaanay sida ay habeen iyo maalin heeganka ugu yihiin ilaalinta nabadgeliyada iyo xasiloonida qaranka Somaliland, waxaana sidoo kale dadwaynahani ay aad u soo dhaweeyeen sagaalka qodob ee uu ka kooban yahay heshiiska golaha wakiilladu.
Dhinaca kale, Haldoorka Jaalliyadda Somaliland ee waddanka HOLLAND ayaa iyaguna waxa ay  si buuxda u taageerayaan go’aanka iyo heshiiska lagu diirsaday ee lagu soo afjaray khilaafka Golaha Wakiilada. Waxaana siddaasi lagu sheegay bayaan ay soo saareen jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Holland kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxaanu u dhiganaa sidan.
“Marka hore ILLAAHAY baa mahad leh, marka xiga waxaannu mahad-naq u celinaynaa Golaha Guurtida ee maamuuska iyo qaddarinta mudan ee iyagu isku xilqaamay xallinta khilaafkan iyo Madaxweynaha J.S.L. Mudane Axmed Maxamed Maxamuud oo doorkiisa shariifka ah ka qaatay, marka saddexaadna waxaannu hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Golaha Wakiilada ee iyaguna aqbalay heshiiskaa.
golaha-wakiilada.”
By. Axmed M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply