Tartanka Qurbaanka Shaydaanka

0
421

Dalka Nepal waxa sanad lagu qabtaa xafladda loo yaqaano Diyupokhari taasi oo lagu sameeyo caasimadda dalkaasi. Xafladan ayaa loo qabtaa sii loo raali geliyo shaydaanka si ay u helaan barako siday iyagu aaminsan yihiin. Xafladan ayay xaafad kastaa oo magaalada ahi soo keentaa  neef xoolo ah oo Ri ah. Ridaasi ayaa lagu ridayaa berkad biyo ka buuxaan oo weyn iyadoo biyahaasi ku qarqoomaysa kuna dhimanaysa.  Waxase yaab leh in Tartan loo gelayo qofka ku ridaya berkadaasi oo ay aaminsan yihiin inuu yahay ka helaya barkada shaydaanka.  Waa arin muujinaysa marka Aadamigu uu diin waayo sida uu uga hooseeyo ugana liito Xoolaha. Neef  xoolo ah oo ay dilayaan ayay sidan sawirka ka muuqata u kala jiidaanayaan iyagoo berkadda ku dhex jira.

Leave a Reply