Tunisiya: Tartanka Doorashada Madaxweyne Cusub

0
466

Dadka reer Tunisia ayaa dooranaya madaxweyne doorashadiii ugu horaysay tan iyo intii kacdoonkii 2011 taasoo keentay kacdoonkii carabta ee gobolka.
In kabadan toban musharax oo ay ku jirto haween ayaa tartamaya. Musharaxa ugu horeeya Beji Essebsi, wuxuu ka tirsanaan jiray maamulkii madaxweynihii hore ee Zine el Abedine Ben Cali.
Mr Essebsi wuxuu ka tirsan yahay xisbiga Nidaa Tounes oo bishii hore ku guulaystay doorashadii baarlamaanka.
Waxaa la tartamaya madaxweynaha hadda xukunka haya Moncef Marzouki.
Doorashada ayaa waxay noqon doontaa mid ay ku tartamaan dadkii ka tirsanaan jiray dowladii Ben Cali iyo dad cusub oo soo baxay kacdoonkii kadib.
 

Leave a Reply