Waayeelka Degmada Maydh Oo Beeniyay In Qalalaase Ka Taagan Yahay Degmadaasi

0
441

Sanaag (Dawan)- Qaar kamid ah waayeelka iyo Waxgaradka Magaalo Xeebeeda Maydh ayaa si’adag u beeniyey warar sheegaya in magaalo xeebeeda Maydh ay ka aloosan yihiin xaalado nabadgelyo xumo kuwaaso salka ku haya rabitaan bulshada reer maydh ay u qabaan Doonyaha xaalufinta ba’an ku haya Xeebaha Somaliland ee laga leeyahay wadamada Carbeed.
Duqeyda Maydh oo Warbaahinta kaga jawaabay wararka laga baahiyay ayaa sheegay, kuwo aanay waxba kajirin islamarkaana, kasoo baxay shakhsiyaad sheegtay Xilal dhaqan oo aan jirin kuwaaso ah kuwa wakiilada u ah doonyaha dhibaatada Xaaluf ku haya khayraadkii xeebaha Sanaag.
Sidaa waxa lagu sheegay qoraal ay soo saareen waxgaradka iyo waayeelka deegaankaasi, qoraalkaasi oo ay ku sexeexan yihiin todoba kamid ah xubnaha odoyaasha ah ee reer Meydh, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Waxaanu Beeninaynaa wararka lagu baahiyey warbaahinta qaarkood, waxaanu Cadynaynaa in hadii aanu nahay Waayeelka, Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka reer Maydh inaan hadalkaasi xagayaga ka iman oo uu yahay mid ku eeg oo keliya shakhsiyaad wakiilo u ah Doonyaha baabiiyey badii iyo khayraadkii ku jiray , waxay shakhsiyaadkaasi sheegteen Madaxdhaqameed waxaanu leenahay waxba kama jiraan ee waa wakiilada wax lagu siiyo ku madhiyey khayraadkii bada, sidoo kale waxaanu shacabka reer Somaliland u sheegaynaa inaanay jirin habayaraatee xaalad amni daro oo ka taagan ama ka jirta magaalo xeebeeda Maydh dadka waxyaabahaasi ku baahiyey warbaahintana waxaanu u aragnaa kuwo ku li’di ah oo kasoo horjeeda dedaalka bulshadsa reer maydh ugu jirto sidii ay u horumarin lahaayeen waxna uga qabsan lahaayeen khayraadka ku duugan badahooda ee la doonayo in loo daldalo dalal shisheeye oo Yemeni kow ka tahay”.
1-Suldaan C/laahi Cigge Faarax
2-Oday Cige Waran Ismaaciil
3-Caaqil Axmed Cumar Dheere
4-Oday Mataan Xasan Saalax
5-Aqoonyaha Siciid Saalax Cismaan
6-Mustafe Maxamed JHibriil
7-Yaasiin Maxamed Fayl”

Leave a Reply