Wasiirka Maaliyadda Oo Golaha Guurtidda Ku Bogaadiyay Soo Afjaraddii Khilaafkii Golaha Wakiiladda

0
628

Hargeysa  (DAWAN)  Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Go’aamaddii ay Shalay Golaha Guurtiddu ku soo afjareen Khilaafkii Golaha Wakiiladda, waxaanu xusay inuu si gaar ah u bogaadinayo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda iyo Ergaddii dhex-dhaxaadinta ka gashay khilaafkaasi iyo Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-waraabe)
Wasiir Samaale oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin loolan u dhexeeya isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, isaga oo xusay in dhamaantood ay ka qayb-qaadanayaan sidii Madaxweyne Siilaanyo mar kale ugu guulaysan lahaa Hoggaaminta Dalka, Waxaanu yidhi  “Haddii khilaafkii Golaha Wakiiladdu dhamaaday aad ayaan ugu faraxsanahay , waxaana arrintaasi mahadeedda leh Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo arrintaasi soo afjaray oo Guushadda iyo Sharateeda-na qaatay. Waxa kale oo Sharfteedda iska leh Shirguddoonka Golaha Wakiiladda oo iyagguna qaatay Go’aamadda ka soo baxay Golaha Guurtidda, Golaha Wakiiladdu waa Gole aan ka tirsanaa muddo 5  Sandood ee nala doortay iyo ku dhawaad laba Sanadood oo kale-ba ama Sanad iyo Badhba waa Gole runtii saaxiibayadda ah oo muddo halgan dheer aanu soo wadda-marnayn ah haddii ay yihiin Shirguddoonka iyo haddii ay yihiin-ba Gole weynaha, waa Gole aan jecelahay oo aanu Taariikh dheer soo wadda marnay oo Halgan Siyaasi ah oo is badel keenay aanu ka soo wadda qayb-qaadanay, markaa runtii Khilaafka dhexdoodda ka dhacay aad baan uga xumahay runtii waxaan jeclahay in aanu Khilaafkaasi soo noqonin oo Caqligu shaqeeyo waanan ku farxasanahay in Khilaafkaasi uu damay.”
Wasiir Samaale oo Warbaahintu weydiisay warar sheegay in uu loolan u dhexeeyo isaga , Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi iyo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu yidhi “Hawsha Xisbiga KULMIYE  waa mid aad u balaadhan, waa Xisbi soo maray Taariikh aad u dheer  waa Xisbiga maanta taladda Dalka haya ee uu ka soo jeedo Madaxweynaha Qaranku oo ah Halyaygii Xisbiga aasaasay oo ah Musharaxii Madaxweynaha ee ku guulaystay Doorashaddii Madaxtinimadda ugu dambaysay ee Dalka ka dhacday  waana Musharaxa Madaxweynaha ee shanta Sanno ee soo socota, markaa wax halkaasi ka dambeeya oo runtii la raadiyo ma jiro. Aniga iyo Walaaladdayda kale aha noqoto Walaalkay Muuse Biixi Cabdi, Walaalkay Maxamed Biixi Yoonis iyo in kasta oo han lihiba Xisbiga KULMIYE ayaanu ka wadda tirsanahay anaga oo wadda dhisayna dhamaantayo Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Khilaaf Xisbiga dhexdiisa yaalaana ma jiro waanu midaysanahay waxaanan ku midaysanahay Horumarka Dalka, waxaanu ku midaysanahay in mar kale aanu ku guulaysano taladda Dalka, iyadda oo waxaanu ku dagaal-geli doonaa uu yahay Horumarka aanu Dalka gaadhsiinay ee uu hormoodka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply