Waxaan Hambalyeynayaa Golaha Guurtida ee Badbaadiyay Qarankeena: Qalinkii Oday Xaaji Dhimbiil

0
458

Aniga oo ah Oday Xaaji  Dhinbiil waxaan leeyahay Golaha Guurtida Somaliland waa inta Somaliland dheer tahay dadyowga kale aad baan ugu faraxsanahay sagaalka qodob ee ay ku soo afjareen buuqii  yara ee inga dhex dhacay, asxaabta  Qaranku way mahadsan yihiin siday u ajiibeen Madaxweynuhu-na wuu ku mahadsan yahay odaytinimadda iyo hogaaminta u muujiyay, maanta Somaliland waxay leedahay hiigsi iyo himilo, waxaana fiican in aynu dhamaanteen u xadhko xidhano sidii hareeraha uga wada joogsan lahayn horumarka.
 
Waxa kale oo aan leeyahay waar nimanyow yaanay mar danbe dhicin ka soo kacaay iyo tolaayey inagga suulinayna dhaqanka qabyaalada ee ku salaysan ayaa reer galoola iyo qudhacay aynu ka taxadirno wax kasta oo sumcadda iyo karaamadeena Somaliland waxyeelanaynaya, waxaanan kalmad talo bixina siinayaa qolada warbaahinta oo aan leeyahay war bulshadiina u tudha oo tifiiyadda noqday ee habeen kasta la iska caayayo joojiya.
 
Muxaafid iyo Mucaaridba war bal masuuliyada dib ha loogu noqdo Somaliland guul iyo gobanimo, Somaliland ha jirto oo ha joogto.
 
Oday Xaaji Dhinbiil

Leave a Reply