“Xildhibaanku Waxa Uu Leeyahay Xasaanad,Waana Mamnuuc In Shaadka La Qabto” Maayarka Berbera

0
385

Berbera (Dawan) Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Magaaladda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan Cidin ahna Duqa Degmada Berbera ayaa arrin aan la aqbali-karin ku tilmaamay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhawaan Ilaaladda Wasiirka Arrimaha guddaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera ku dhex-maray Xarunta  Dawladda hoose, halkaas oo xiligii falkani uu dhacay uu Wasiirku Shir la lahaa dhinacyaddii khilaafku ku dhex-maray Maxjar lagu xanaaneeyo Xoolaha  oo ku yaala Magaaladda Berbera. 
Duqa Degmada Berbera Cabdishakuur Cidin oo Shalay  Shir Jaraa’id oo uu kaga hadlayay waxybaahihii u qabsoomay  Sanadkan ku qabtay Magaaladda Berbera waxa kale oo uu sheegay in markii u horaysay Berbera laga hir-galiyay Maktabad akhris.
“Halkan waxaan ka cadaynayaa Bulshadda Somaliland-na u sheegayaa Caalamkana u sheegayaa, Xildhibaanku waxa uu leeyahay Xasaanad waa mamnuuc waa Xaaraan in la qabto iska daa in la jiidee Shaadhka in la qabto ayaa Xaaraan ah mid aanu raali ka nahayn maaha mid aanu Aqbali-karnana maaha, mid aanu yeelaynayna maaha mid aanu raali kaga nahayna maaha. Waanu ka xunahay horena in badan waan u sheegay aad iyo aad baanu uga xunahay” ayuu yidhi Duqa Degmadda Berbera.
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Berbera oo ka hadlay Maktabada akhriska ah ee ay Berbera ka hir-geliyeen iyo waxyaabaha qorshaha ugu jira waxa uu yidhi  “Waa markii u horaysay ee ay Degmada Berbera yeelato Maktabad akhriska ah (Public Library) oo ah in inta aanu awoodno qabano, laakiin Qorshayaashiisu waxa weeyaan inuu la jaan-qaadno hadday tahay guddihiisa wax la dhigay iyo haddii ay Bilicdiisa tahayba, Maktabadaas oo Buugaagtiina hadda ay soo socoto. Wax-qabadka Sanadkan waxa Qorshaha noogu jira Bilicda Magaaladda, laakiin hanka iyo himiladda ayaa ka horeeya wax helista waxaanu u badheedhnayn in aanu adeegsano Qalabkayaga, Awoodayadda iyo waxaanu haysano oo ah in aanu kula dagaalano qaybta koowaad oo loogu tallo-galay ilaa 10 Milayn oo Dollar ay gelayaan sidii Biyaha Daadadka ah ee soo galaya Magaaladda loogala dagaalami lahaa oo loo xidhilahaa”
Duqa Degmadda Berbera oo hadalkiisa sii watay  waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu Mahad-celinayaa Maareeyaha Dekedda iyo Maamulaha Haamaha Shidaalka oo is Garab-taagay Dawladda hoose oo mid adduun ku bixyay iyo mid Qalab ku bixiyay-ba nagala qayb-galay, oo qaybtii u horaysay Mooskii uu gabo-gabo yahay oo ah Wajigii koowaad, Qayb-qaybta ka dambaysa ayuu ka sii culus yahay” ayuu yidhi Cabdishakuur Cidin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply