“Waxaanu Baabiinay 323 Beerood oo La Iska Ootay oo ku Yaala Qool-cadday & Gumburaha” Wasiirka Deegaanka

0
409

Khadar M. Dhako.
Hargeysa (Dawan):-  Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland Marwo  Shukri X. Ismaaciil Bandare ayaa sheegtay inay baabi’yeen Seerayaal si Sharci-darro ah loo ootay.
Wasiir Shukri oo Shalay Magaaladda Hargeysa kula hadashay qaar ka mid ah Warbaahinta  ayaa waxay tilmaantay in Sanadkan ay baabi’yeen Seerayaal ku yaala Bananka Qool-caday iyo Gunburaha, taas oo ay sheegtay inay uga dan-leeyihiin sidii ay Xooluhu u daaqi-lahaayeen Banankaas la iska ootay.
Wasiirka Deegaanka oo arrimahaasi ka hadlaysay waxay tidhi  “Wax badan ayaanu Sanadkan qabanayn oo la taaban-karo, Seerayaal ku dhex-yaala meelaha Bananka ah, waxaanu ku guulaysanay in 323 Beerood oo la iska ootay oo ku yaala Bananka Qool-cadday iyo Gumburaha aanu baabi’nay. Waxaanan u banaynay labadaasi Ban si ay Xooluhu u daaqaan oo Jiilaalka ay ugu baxsadaan iyo sidii Xoolihii kale ee laga ootay ay u daaqi lahaayeen, waxa kale oo aanu ku tallo-jirnaa in aanu tagno Qoryaale, Dhamal iyo Geed-deeble si aanu seereyaal noocan oo kale ahaa u soo baabiino.”
 
Wasiirka Degaanku waxa kale oo ay ka warbixisay kulan ay la yeelatay hay’addaha ay wadda-shaqaynta leeyihiin waxaanay tidhi  “Saddexdii Bilood-ba  waxaanu kulan la yeelanaa hay’addaha ku hawlaan ilaalinta Deegaanka, waxaanu is dhaafsanaa wixii xog ah. Ajandaha ugu weyni waxa weeyaan bal sidii wax looga qaban-lahaa oo loo xakamayn lahaa Dhulka la ootay ee la iibsanayo”
 
 
 

Leave a Reply