Booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Gini

0
383

Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa  noqdoy  Madaxwaynihii ugu horeeyay ee aan Afrikaan ahayn ee booqda qaar ka mid ah wadamada uu ku dhuftay caabuqa Ebola, ee galbeedka Afrika.
Waxa uu booqanayaa dalka uu horay u gumeysan jiray Faransiiska ee Guinea.
Markii adduunku uu bilaabay in jawaab uu ka bixiyo cudurka Ebola dhawr bilood kahor, quwadaha reer galbeedka waxa ay u kala qayb sameen sidii ay u kala gumaysan jireen dalalka uu xanuunkaasi saameeyay.
Britain waxa ay caawisay Sierra Leone, Maraykankana waxa uu diiradda saaray Liberia, wadankaas oo ay cagaha u taageen dad la adoonsanayay oo la xoreeyay qarnigii sagaal iyo tobnaad.
Faransiiskuna waxa u jihaystay wadanka Guinea.
Wadamada galbeedka Afrika, waxa ay aad ugu baahnaayeen in gacan loo fidiyo, sababtuna waxa ay aheyd in kumannaan qof ay dalalkaasi uga dhimanayeen caabuqa Ebola.
Waxa ayna dhinac iska dhigeen xulafaysi oo waxa ay soo dhaweeyeen caawimaada.
 
Guinea
Ebola waxa uu ka bilawday wadanka Guinea, bilawgii sanadkan, isaga oo markii dambe ku fiday xadka oo gaadhay wadamada Liberia iyo Sierra Leone.
Madaxwayne Hollande waxa uu dib u eegi doonaa caawimaada caafimaad ee Faransiiska uu siiyay dalkaasi, waxaana shaki ku jirin in uu balanqaado dawo dheeri ah, arrimaha noocaas oo kale ahna waxa ay lama huraan u yihiin socdaalada noocan oo kale ah, Waxa ayna wax weyn uga dhigan tahay wadanka Guinea.
Muwaadiniinta saddexdaasi wadan ee uu aadka u saameeyay cudurka Ebola, ayaa kala kulmay faquuq inta badan wadamada aduunka.
Madaxwaynaha Guinea Alpha Conde, ayaa isaga oo ka  hadlaya booqashada Mr Hollande, waxa uu sheegay ‘hadiiba uu halkan iman karo Madaxwayne Francois Hollande, qof kaste wuu iman karaa’.
Iyada oo ay taasi jirto hadana waxaa laga yaabaa inta badan in dadka ajaaniibta ah ay iska ilaalin doonaan booqashada meelaha uu ka jiro Ebola.
Balse booqashada madaxwaynaha Faransiiska waxa ay kor u qaadi doonta niyadda dawladda Guinea, oo xanuunkaasi la daalaa dhacaysa.
 

Leave a Reply