Qiso Dhab Ah: 80 Sano Ka Hor Sida Shacbka Shiinuhu U Noolaa

0
409

Waxay  dul fadhiday Dabka ay ka dhex shiday buulka gaboobay ee ay cuntada ku diyaarinaysay, waxay dhabta ku haysay Ilamaha yar ee aan weli barbaarin iyadoo kan labaad ee ay dhashayna uu ag fadhiyay. Badhtamaha buulka waxa dhex wareegaysanaysay Digaagad iyadoo aan cabsi ku jirin.  Xaaska  buulkan ku jiraa suurtagal uma ah inay qashaan digaagadan maxaa yeelay beedka ay dhasho ayaaba ah meesha keliya ee ay wax ka soo galaan, biilkana ka dhigtaan marka ay iibiyaan.
Waa guducur cabsi badan oo cadowga laga baqanayo , Aabaheed ayaa albaabkii garaacay isagoo ka yimi beerta. Waxa uu siday waxooga bariis ah oo habeenkaasi ahaa rashinka keliya ee calooshooda galay.  Aabaheed wuxu ahaa oday gaboobay , dhuuban , Huga uu xidhan yahay u hun noqday. Indhuhu way casaadeen soo jeedka badan awgeed waxaad moodaysaa sidii laba midh oo Tamaandho ah. Timhiisa iyo gadhkiisuna waxay ahyeen kuwo wada ciro ah. Aabaheed wuxu u eekaa Baba Nowil muuqaalka dhuubnaanta iyadoo ay  sabab u ahayd cunto xumida haysatay. Aabaheed waa ninka keliya ee u hadhay ka dib markii Odaygeeda ay dileen Gumaystaha Japan oo xasuuqay shacabka Shiinaha, mana ay helin wax u bedela.Qisadan oo dhab waa sida shacabka Shiinuhu u Nolaa 80 sano ka hor.  Sawirkuna waa Magaalada Bekeing 80 ka hor.

Leave a Reply