Tuug Lacagta Ku Tirsanaya Goobtii Uu Ka Xaday

0
394

Wargeysak Daily Mail ee Ingriiska ah, ayaa daabacay qiso yaab leh taasi oo ahayd in nin tuug ahi ay u suurta gashay inuu galo xarun Salon ah oo la isku qurxiyo oo ku taala magaalada Kardic.  Tuugan ayaa galay qolka fadhiga ee xaruntaasi oo qaatay dhamaan wixii lacag taallay. Tuuga ayaa bilaabay inuu lacagtaasi tiriyo markii uu tiradeedu badatay.
Gabadha iska leh Salonka aya wargeyska u sheegtay in xarunteedu ay furayd bil iyo badh keliya, ayna ku rakibtay nalal badan si loo arko qofka gudaha ku jira. Taasi ayaana noo suurtagelisay inuu noo muuqdo in qof gudaha ku jiro. Waxaana aan gaadhsiinay Booliiska.  Waxase yaab ku noqotay Booliiska iyo dadkii kaleba markii xarunta loogu galay tuugii oo si degan isaga tirsanaya lacagtii uu goobta ka xaday.   ( Daily mail 27/11/2014)

Leave a Reply