Bulsho Si Mucjiso ah Ugu Dhex Nool Maraykanka

0
410

Waxa laga yaaba inaad maqasho qof  lagu eedaynayo in dib u dhac ku jiro waayo ma isticmaalo Telefoonka Mobilka, Computer ama TV. Kaasi oo ku nool noloshii gabowday ee fogayd. Haddaba ma filaysaa in dalka Makaykanka ay jirto Bulsho  u nool sidii la noolaa 300 sano ka hor loo noolola?
Haaa, Waa dhab.. Amish Waa bulsho noloshooda oo dhami ay la mid tahay sidii ay u nolaayeen awowyaashood kuwaasi oo Maraykanka yimi qarnigii 17aad. Hakii ay noloshu u joogtay sanadkii 1660-kii ayay ku joogsatay cajaladda noloshoodu isma bedelin ilaa maanta.
Haddii aad u baahan tahay inaad ogaato noloshii qarnigaasi waxaad si fudud soo booqan kartaa guryaha bulshadii Amish oo ku nool  Dalka Maraykanka. Markaad halkaasi gaadhana waxaad arkaysa bulsho ka duwan kuwa aad la noolayd.
Ma istcmaalan Tv, Baabuur, Laydh, talaajado iyo wax kasta oo ku soo biiray nolosha casriga. Waa beeralay nolosha qaabkaasi fudud ee aan kharashka lahayn ugu jira, iyagoo haddana ku nool dalkii dunida ugu horumarsan dhinaca technoljiyada. Waxa gaadiid u ah Fardaha ay ku xidhiidhyaan taayirada birta. Waxay ku hadlaan luqdada jarmalka taasi oo ah tan ay ka dhaxleen awoowyaashood, kuwaasi oo ku noola Jarmalka iyo Swiserland. Magaca Amish waa ninkii asaasay kooxadn Aman Jackob . Bulshadan ayaa cadaadis weyn kala kulantay Yurub  iyadoo badankoodii la laayay waxayna soo magan galeen dunida  kale iyagoo soo degay 1660 Gobolka Penselvania ee Maraykanka  halkaasi oo ay ilaa maanta degan yihiin.  Waa bulsho nabad jecel dhulkoodna dhib kama dhacdo cidna ma dilaan. Booliiska Maraykanku ma galo dhulkood ilaa iyagu u baahdaan. Ma bixiyaan cashuurta dawlada waana laga dhaafay iyaguna dawlada waxba kama doontaan. Waxabarashada caruurtooda iyagaa bara ilaa uu heer sare gaadho, luqadda englishta, Joqraafiga, xisaabta ayay baraan, hablaha iyo inamada wayna kala saaraan. Xukuumada Maraykan ayaa sanadkii 1972 soo saaraty qaraar ay bulshadan kaga dhaaftay inay galaan tacliinta asaasiga ah iyadoo tixgelinaysa dhaqankood qadiimiga.
Caruurtu marka ay  gaadhaan 18 sano waxa u banaan inuu iska sii joogo oo bulshadiisa ka mid noqodo iyo inuu dal weynaha Maraykan tago hadii uu doono nolol kalena ka raadsado. Waxase yaab noqotay in 5 qofba 4 ka mid ahi diidaan inay ku noolaadaan meel ka baxsan bulshadooda ka dib markay  soo arkaan.   Amish waa bulsho kiristaan wayna ku ku dhegan iyagoo 90% taga Kiniisadaha.
Bulshadan ayaa ku dhaqanta qaynuun aan qorayn oo ay dhinaca afaka  (oral) isugu gudbiyaan kaasi oo la yidhaa Ordnung , waxaana ku cad sida ay u nolaayaan dadka Amishka ah,  sida dhar xidhashada, dhererka timaha, qodist beeraha iwm. Wa qaynuun ay ilaliyaan oo aanay ku xadgudubin.
Shacbiga Amish waa dad isku xidhan oo hantida wadaaga, lagama dhex helaayo qof ka faqiirsan kuwa kale. Beerahoodu aad ayay u baxaan iyagoo adeegasada habkii fardaha ee qadiimiga aadna uga sheqeeya.
Bulahsda Amish waxa dhaqan aan la dhaafi Karin u ah: 1- In raggu gadhka aanay xiirin ka dib marka aya guursadaan, shaarubahana xiiraan.  – In Ragga iyo dumarka aanay is dhexgelin. – Waxa mamnuuc  ah in  gabadhu ay timaheeda muujiso, marana isku dedo.  Waxay leeyihiin koox odayaal madax ah oo xukunka laga qaato.  Waxa deegankooda mamnuuc  ka ah khamriga iyo sinada. Bulshadani waa bulsho dhab ahan ugu nool Maraykanka kana amaan iyo nolol wanaagsan qaybaha kale ee dalkaasi.

Leave a Reply