Nus Malyuun Xoolo Ah Oo La Gawrcay Maalin Keliya

0
365

Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo werisay in ka Dalka Nepal Maalintii Jimcihii 28 bishan , Kooxda Hinduuska ah ee degan dalkaasi ay qaateen Seefo iyo Mindiyo kuwaasi oo bilaabay inay si Jamaaci ah u layaan kumanaan xayawaan  iyo shimbiro ah. Kooxdan ayaa maalintaasi fulinaysay caado diimeed gabawday  oo ay in badan isticmaalayeen. Dadka uu dooda xuquuqda xayawaanka ayaa aad uga cadhooday dabar jaridan jamaaciga ah ee aan naxariista lahayn.
Dadka Hunduuska ee degan Nepal oo tiradooda lagu qiyaasay 27 Milyan ayaa aad u isticmaala gowrac xayawaanka iyagoo aaminsan inay ugu dhawaanayaan sanamada ay caabudaan.  Gawracan ayaa galaaftay in ka badan nus malyuun xayawaan ah taasi oo sanad kasta ay sameeyaan iyadoo la dilayo xayawaan kasta oo ka soo hor baxa. (Reuters).

Leave a Reply