‘Waxa igu kalifay inaan ganacsigan oo ah mid ku cusub dalka inaan bilaabo markii aan arkay dhalinyaradii aanu isku da’da ahayn oo tahriibay ayaan go’aansaday inaan tijaabiyo oo in dalka gudihiisa laga yagleeli karo ganacsi….”

0
356

Tan iyo dalka dib aynu ugu soo noqonay waxa isa soo taraayay qaababka ay bulshadeenu u  ganacsadaan kuwaas oo marba heer taagnaa, waxaynu qormadan kusoo qahalinyarada dalka oo iyagu qeerkood u hiloobeen una holodeen inay tahriibaan oo ay u badheedhaan dhibaatooyin aad u badan waxayna dhalintani tusaale u yihiin inay jiraan dhalinyaro iyagu jecel inay dalkooda ka shaqaystaan oo ay ka yagleelaan ganacsiyo ay iyagu iska leeyihiin una dhiganta inta qaar ka mid ah dhalinyarada tahriibtay kaga baxday ma gafe, xadhig iyo doon.
Nimcaan Yaasiin waa nin dhalinyaro ah waxa uu  ka ganacsadaa mobileda oo uu dadka ka iibiyo isaga oo miis yar oo ka samaysan muraayado ku haya mid kamid ah wadooyinka dhex mara caasimada, waxa uu Nimcaan ka waramayaa waxa ku kalifay ganacsiga sidan ah ee ah mid ku cusub dalka waxaanu yidhi: “ waxa aan ka ganacsadaa oo aan iibiyaa Mobile-da nooc kasta oo ay ahaadaan, waxa igu kalifay inaan ganacsigan oo ah mid ku cusub dalka inaan bilaabo markii aan arkay dhalinyaradii aanu isku da’da ahayn oo tahriibay ayaan go’aansaday inaan tijaabiyo oo in dalka gudihiisa laga yagleeli karo ganacsi waxaanan arkay inay ka faa’iido badan tahay inaan tahriibo oo lacagta iigaga baxaysa tahriibka inaan dalka gudihiisa aan anigu ganacsi aan iska leeyahay aan samaysan karo barina ka maalina aan noqon karo sharkad isagu shaqaalaysiiya dhalinyaro badan,”.
Cabdi Maxamed waxa uu ka mid yahay wiilal dhigiisa ah oo tahriibay balse isagu ka hadhay ka dibna yagleelay ganacsi uu isagu leeyahay kaas oo ku dabara nolol maalmeedkooda, isaga oo ka hadlaaya sidii ku yagleelay ganacsiga ayaa waxa uu yidhi: “ fikiradan ah inaan dhidibada u taago ganacsigan ayaa waxay ahayd markii aan shaqo waayay aan ku maareeyo noloshayda oo aan arkay inaany dan ii ahyn inaan xiligan tahriibo waayo dhalinyaro badan oo aan saaxiib nahay oo tahriibay ayaa noqoday kuwo dhexda ku leeday iyo kuwo aan hadda wax ay reerkooda ugu filan yihiin aanay jirin ka dibna waxaan ku fikiray inaan furto ganacsi yar oo aan leeyahay waxaan waagaas ku fikiraayay inaan horumar gaadhi karo waayo ganacsatadeena waaweyni waxay ka bilaabeen meelo ka hooseeya halkan aan ka bilaabay taas ayaana ii ahayd yoolka aan hiigsanaayo ina dhiiri galisay, hada siduu doono ha ahaado xaalkuye laakiin maanta waad arkaysaa oo waxaan ahay nin hanta leh oo shaqaysanaaaya markii horena waxaan ahaa nin aan wax shaqo ah gacanta ku haynin,ganacsiguna sidiisa waxa uu u baahan yahay samir iyo adkaysi oo xaalkiisu hadba waa nooc maalina faa’iido maalina khasaaro, haddii aad marka hore ku tala gashid inaad faa’iidayso oo kaliya wax horumar ah ma gaadhaysid, waa inaad marka hore u badheedhaa labadaba”.
Cabdi Maxamed oo ka hadlaaya dhibaatooyinka lasoo darsa waxa uu yidhi: “ dhibaatooyinku aadbay u badan yihiin waxaanay ku xidhantahay hadba nooca uu yahay ganacsigaagu, tusaale ahaan kaygan oo kale(tukaan) waxa ugu badan ee nasoo wajahaa waa dadka oo nagala taga lacagayawga aan ku leenahay, maciishada oo marka hore aaanu kusoo iibsano qaali oo marka danbana nagu jabta oo aaanu ku khasaarno iyo ganacsatada bakhaarlayda ayaaa waaxay bilaabeen hadda inay iyagu furtaan tukaamo iibinaaya waxaad iibinayso oo kale waaxa uu siinayaa intuu ku iibinaayay bakhaarka taasina waa cabadaha cusub ee haadda dhibaatada nagu haya,isagaa ah kii dibada ka keenaayay, bakhaarka lagu rogo isagaa leh, tukaanka lagu iibinaayana isagaa leh, kuwaas ayaan ka xusi karaa”.
 

Leave a Reply